Somaliland oo shuruud ku xirtay inay la midowdo dalka Soomaaliya

Image
HARGEYSA- Ergeyga Somaliland u qaabilsan wadahadaladda Soomaaliya, Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin wadaxaajoodyo ay la galeen xukuumadda Muqdisho si xal loogu helo mad-madowga labada dhinac.
 
Adna oo wareysi siisey Telafishinka VAO-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa shaaca ka qaadey sidoo kale inay mar kasta soo dhawaynayaan inay dib ula midoobaan dowladda Federaalka, inkasta oo ay shuruud ku xirtay.
 
Shuruudaha ayey ku qeexday inay ugu horeyso in Muqdisho ay ka dhalato dowlad ay tilmaamtay inay Shacabka soo doorteen, iyadda oo qiil uga dhigtey doodeeda is-barbar-yaac haatan ka jira siyaasadda dalka.
 
Mar la su'aalay inay fahfaahiso waxay ula jeedo dowlad ay shacabku soo doorteen ayey ku sharaxday inay ula jeedo inay noqoto mid  metalaad buuxda haysata oo go'aano gaari karta.
 
Ergeyga ayaa tusaale ahaan usoo qaadatey Ethiopia iyo Eritrea, kuwaasi oo soo gabagabeeyay colaad muddo dhex-tiilay, xili Adna ay ku nuux-nuux satay inay mar kasta diyaar uyihiin in lasoo celiyo midowga Soomaalida.
 
"Somaliland mar kasto waa diyaar, gacan walaaltinimo, gacan saaxiibtinimo way u fidineynaa. Waxaa loo baahan yahay in hadaladu ka yimaadaan labo dhinac. Ethiopia iyo Eritrea markii ay wada hadlayeen waxay ahaayeen labo dowladood. Somaliland way ka xorriyad hor qaadatey koonfurta, wayna ka da’ wayn tahay, iyada ayaana gacantii is-raaca fidisay, dhibaatooyinka dhacay ayaa keenay kala go’a. Ma AMISOM ayaan la midownaa? Dowlad lasoo doortey waa in la helo," ayey tiri Adna.
 
Somaliland oo sheegata inay tahay dowlad ka madax banaan Soomaalida inteeda kale tan iyo sanadkii 1991-kii markii dalku ka qarxay dagaalka sokeeye ayaa  wali helin wax aqoonsi ah.
 
"Labo dal baynu kala ahayn markii hore - maxmiyadii Ingiriiska iyo dalkii uu gumeystay Talyaaniga. Wanaag baa lagu wada hadlay markii hore. Hadii wanaagu soo noqdo, oo hadalka leysku afgarto, ixtiraam labada dhinac ka yimaado, maxaa ka hor-joogo inay wada hadlaan?. Hadii dowlad shacabku soo doortay la timaado daacadnimo Somaliland maantaba waa diyaar," ayey ku dartey hadalkeeda.
 
Tan iyo markii ay Somaliland madax banaani ku dhawaaqday, dowladihii isaga kala dambeeya Muqdisho waxay la yeesheen wadahadalo kuwaas oo aysan wax natiijo ah kasoo bixin
 
Adna oo la su'aalay waxa lagu macnayn karo diyaarka ay u yihiin wadahadalka ayaa ku jawaabtey: "Cidii aynu la hadli lahayn baa meesha ka maqan. Inaga iyo Soomaaliya cidaan la hadalno maba garaneyno. Gobolkee la hadalnaa?  Yaa midkee Soomaaliyeed ah? Yaa Afhayeen uwada ah? Yaa wada mas’uul ah? Miiska kaalaya, hala wadahadlo. Halkaasay wax ka dhalan-karaan. Inaga dalkeena inaga ayaa kawada mas’uul. Hadii dowlad wanaagsi ka dhalato, dabcan, haa [waynu midoobi karnaa]. Laakiin, hadii ay tahay iska dabawareegi iyo kuma jirno. Ma dowlad ay shisheeyuhu ilaaliyaan baynu la midownaa mise AMISOM baynu la walaalownaa, iyadiibaa dalka xukuntee.
 
Hadalka Adna ayaa kusoo aadaya xili dhowaan Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] uu ka dhawaajiyey inuu Madaxwayne Farmaajo diyaar u yahay inuu ka dego Hargeysa, inkasta oo warkaasi uu gaashaanka ku dhuftay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, kaasi oo tibaaxay inaanba heerkaasi laysla gaarin.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM