Somaliland oo sii deysay maxaabiis xili ay xoog ku haysato Tukaraq

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka uu majaraha u hayo Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu ku dhawaaqay in uu xorriyadooda u celiyey 14 maxbuus oo uu ku qabtay dagaalkii Tukaraq.

Dagaalka Tukaraq oo dhacay bishii June ee sanadkii hore 2018 ayaa waxaa soo qaaday xoogaga maamulka Hargeysa, kuwaasi oo si xoog ah gacanta ugu dhigay, walina haysta.

Tuuladaasi oo duleedka magaaladda Garowe, caasimadda dowladda Puntland ku taala, ayaa ka tirsan gobolka Sool oo gacan ku hayntiisa labada dhinac ay isku haystaan.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee labada dhinac soo gaarey ayaa nan wali la tirakoobin, wallow uu ka badan yahay waxyeelada rayidka iyo barackaca ka dhashay.

War-saxaaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu xusay in talaabada lagu sii daayey maxaabiistaan ay qayb ka tahay dedaaladda nabada ee beesha caalamku wado iyo bisha barakeysan Ramaan awgeed.

Bayaanka oo ku eedeeyay dowladda Farmaajo in ay hurineyso colaadaasi ayaa ku tartarsiiyey in ay xaliso tabashooyinka ka imaanaya qaar kamida maamul goboleedyadda dalka.

Magacyadda maxaabiista ay sii deysay Somaliland ayaa kala ah;

1) Cabdi-naasir Cismaan Cali
2) Cabdi-nuur Maxamed Cabdulle
3) Maxamed Siciid Yuusuf
4) Cali Faarax Aadan
5) Maxamed Cabdi Caynab
6) Cabdi-xaafid Cabdillaahi Xalane
7) Xuseen Siciid Warsame
8) Cabdi-naasir Maxamed Nuur
9) Maxamed Abshir Aadan
10) Ibraahin Xasan Salaad
11) Axmed Maxamed Axmed
12) Siciid Ducaale Cali
13) Mahad Nuur Cali
14) Faarax Maxamed Cabdi

Sikastaba ha ahaatee, xukuumada cusub ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u balanqaaday in ay diyaar u tahay wadahadal iyo nabad ay kula noolaato Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM