Somaliland oo soo warisay dhimasho iyo kiisas cusub oo ah Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqdey in 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ay safmarka Coronavirus ka baartay 80 qof kadib markii lagu tuhmay.

Sidda lagu caddeeyay war qoraal ah oo wasaaradda kasoo baxay, laba iyo soddon qof (32) waxaa laga helay xanuunka faafa; dhamaantood waa muwaadiniin, 21 qof waa rag, 11-ka kalana waa dumar.

Da'dooda ayaa u dhaxeysa; 10jir ilaa 19jir = 1 qof, 20jir ilaa 29jir = 9 qof, 30jir ilaa 39jir = 11 qof, 40jir ilaa 49jir = 4 qof, 50jir ilaa 59jir = 2 qof, 60jir ilaa 69jir = 2 qof, 70jir ilaa 79jir = 2 qof iyo 80jir ilaa 89jir = 1 qof.

Bukaanadan ayaa waxa ay kala degan yihiin; caasimadda Hargeysa 19 qof, Borama 5 ruux, Berbera 5 shaqsi iyo Burco oo ah 3 qof.

Waxaa xanuunka ka bogsaday, sidda ku cad bayaanka, 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Labaatan [28].

"Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da'diisuna ahayd 84 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland sideed iyo toban [18]," ayaa la raaciyey qoraalka.

Tiradda guud ee xaaladaha cudurka ee degaanadda Somaliland ayaa gaarey 257, taas oo la macno ah in ay ku dhow yihiin 300.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey uga digtay in fayruska kasoo bilowday bartamaha Shiinaha uu ku faafo goboladda xilli uu kusii yaraanayo gudaha magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM