Somaliland oo soo warisay kiisas cusub iyo geeri horleh oo ah Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay safmareenka Coronavirus ka baartay 74 qof kadib markii looga shakiyey.

Warbixinta maalinlaha ah ee 9-ka June, 2020 ayaa lagu caddeeyay in 17 kamid ah shaqsiyaadkaas laga helay caabuqaas; dhamaantooda waa muwaadiniin, 10 ruux waa rag, 7 qofna waa dumar.

Bukaanadda cusub oo u badan kuwa la qaad-siiyey ayaa ku kala nool magaalooyinka kala ah: caasimadda Hargeysa waa 10 iyo Burco oo ah 7 qof.

Da'dooda ayaa waxaa la sheegay in u dhaxeyso; 10jir ilaa 19jir = 1 qof, 20jir ilaa 29jir = 8 qof, 30jir ilaa 39jir = 3 qof, 40jir ilaa 49jir = 2 qof, 50jir ilaa 59jir = 2 qof iyo 100jir ilaa 109jir = 1 qo.

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 7 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideetan (80)," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Waxaa la raaciyey: "Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da'diisuna ahayd 104 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland Lix iyo Labatan [26]".

Ugu dambeyntii, guud ahaan kiisaska Covid-19 ee degaanada Somaliland ayaa maraya 466 bukaan; tiradda guud ee shaqsiyaadka laga baarey caabuqa tan iyo markii xanuunku dilaacay waa 1,893.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM