Somaliland oo soo warisay kiisas horleh oo ah safmarka Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay safmarka Coronavirus ka baartay 65 ruux kadib markii lagu tuhmay in ay qaadeen cudurka dilaaga ah.

Warbixinta maalinlaha ah ee 7-da May, sanadkan 2020 ayaa lagu caddeeyay in 17-da shaqsiyaadkaas laga helay xanuunkaas faafa.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyey in dhamaantooda ay yihiin muwaadiniin, 15 kamid ah rag yihiin, 3-da dumar.

Bukaanadda ayaa lagu waramay in ay da'dooda u dhaxeyso; 10jir ilaa 19jir = 1 qof, 20jir ilaa 29jir = 8 qof, 30jir ilaa 39jir = 4 qof, 40jir ilaa 49jir = 1 qof, 60jir ilaa 69jir = 1 qof iyo 70jir ilaa 79jir = 2 qof.

Bayaanka ayaa daboolka looga qaadey in ay ku kala nool yihiin; Hargeysa 6 qof, Boorama 10 qof iyo Burco oo ah 1 qof

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo Lixdan (64)," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah.

Kiiska Covid-19 ee Somaliland ayaa sii cagacageynaya 430, halka dhimashadda ay ku taagan tahay 24, maadaama saacadihii lasoo dhaafay aanan la diiwaan-gelin xaalado geeri oo horleh, wallow ay nasiib wanaag tahay taasina.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM