Somaliland oo soo warisay kiisas iyo geeri horleh oo ah Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in laba qof oo horleh ay kusoo kordheen xaaladaha xanuunka Covid-19 ee degaanada maamulkaas gooni u goosadka ah.

Bukaanadan cusub oo dhamaantooda ah muwaadiniin isla markaana kala ah - rag iyo dumar - ayaa waxaa laga soo dhex-saarey 20 ruux oo la baarey afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, shaqsiyaadkan waxay da'doodu u dhaxeysaa 30 illaa iyo 40-jir, waxayna kamid yihiin dadka ugu badan ee uu soo ritay caabuqa faafa.

"Bukaanada cusub uu laga helay xanuunka kuwaas oo xaaladoodu ay wanaagsan tahay waxay degan yihiin caasimadda Hargeysa," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Tiradda guud ee kiisaska Coronavirus ee Somaliland ayaa gaarey 131. Tani waxay ka dhigan tahay in ay ku dhow-dahay 200 taas oo ay macquul tahay in ay gaarto maalmaha soo aadan.

Dhanka kale, hal qof ayaa fayruska ugu geeriyooday magaaladda Boorama. Marxuumka oo da'diisu ahayd 65-sano jir waxaa lasoo wariyey in uu la ildarnaa xanuuno kale, wallow aan la shaacin.

 Ugu dambeyntii, tiradda guud ee dhimashadda cudurka ee degaanada Somalilamd ayaa sii mareysa 11. Intaas waxaa wehlisa, dadka ka bogsanaya wali waxay ku taagan tahay tobban, ma jiro koror cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM