Somaliland oo Taliye Ciidan looga dilay Taleex iyo Wasiir hanjabey

Image

HARGEYSA, Somaliland - Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland, ayaa ka hadlay dilka Gaashaanle Sare Saleebaan Cabdi Caatay, oo ahaa taliyaha Ciidamada militeriga Somaliland ee aagga Taleex.

Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtey xafiiskiisa ayaa sheegay in Somaliland ay jawaab ka bixin doonto weerarka lagu dilay Taliyaha, oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ciidamada dowadda Puntland.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu dhaawacay duqa magaalada Taleex Cabdirashiid Maxamed Axmed Xiir iyo saraakiil kale oo la socday kolonyo gaadiid ah oo ku sii jeedya Laascaanood.

Taliye Caatay ayaa geeriyooday kaddib markii isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan gobolka ay si kedis ah iyagoo safar ku jira ugu tallaabeen dhanka maamul gobolleedka Puntland ee aagga God-qaboobe.

Wasiirka ayaa sheegay in jawaab celin ay Somaliland ka sameyn doonto weerarka lagu dilay Taliyaha sidoo kalena lagu dhaawacay gudoomiyaha Taleex, kaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid qorsheysan.

“Waa caado hor leh oo Puntland kusoo rogtay degaanada, awal labo ciidan baa is horfadhiyay laakiin in wadooyinka la iska ugaarsado, oo madaxda iyo ragga ugu milgaha sareeya sidaa loo galo iyagoo degaankooda maraya,” ayuu yiri Saleebaan Cali Koore.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiirka ayaa daboolka ka qaadey inaysan jirin ciidan Puntland leedahay oo ku sugan aagga uu weerarka ka dhacay, balse ay yihiin qabiilo iyo qoysas ay si fiican u garanayaan.

“Ka dowlad ahaan, ka xukuumad ahaan, uma dulqaadan doono, waxay naga heli doonaan jawaab cad goob kasta iyo meel kasta,” ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka oo Saxaafadda la hadlayay.

Dhanka kale, Sarkaal katirsan ciidamada Puntland ayaa Warsidaha Garowe Online uu sheegay in weerarka uu ka horeeyay mid kale oo gaadmo ahaa oo Ciidamada Somaliland ku qaadeen kuwa Puntland.

Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa intaasi ku daray in Wasiirka hadalkiisa uu u muuqdo inuu adeegsanayo karaka qabiilka isagoo doonaya inuu iska horkeeno beelaha walaalaha ah ee degaanka kuwada nool.

Wali ma jiro wax hadal ah oo dhanka dowladda Puntland ku aadan eedayntaan culus ee uga timid Somaliland, oo aadan in ciidamo ka tirsan kuwa Difaaca Puntland ay dileen Taliyihii Somaliland ee degmada Taleex, ayna dhaawaceen duqii Magaalada.

Talaabadaan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli xiisad u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland wali ka taagan tahay degaanka Tukaraq, ee gobolka Sool halkaasi oo Ciidamada labada maamul dhowr jeer ku dagaalameen tan iyo horantii sanadkan.

Somaliland iyo Puntland, ayaa u dhaxeysa colaad soo jireen ah, oo salka ku haysa gobollada SSC, oo ay isku hayeen tan iyo 2002, taasoo dib usoo laba kaclaysa markii ciidamada Somaliland ay dagaal ku qabsadeen Tukaraq bishii January 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM