Somaliland oo wafdi u dirsatay Shirka Brussels [Yaa ku matalaya?]

Image

BRUSSELS - Maamulka Somaliland ayaa wafdi u dirsatey dalka Belgium-ka, si uu ugu matelo shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels kaasi oo lagu wado inuu furmo saacadaha soo socda.

Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka "UCID", ayaa gaaray Axadii oo Axad ahayd magaaladda Brussels ee caasimadda dalka Belgium-ka, iyadoo uu kasoo duulay magaalada Hargeysa, xarunta Somaliland.

Faysal ayaa ka qeybgelaya shirka Brussels ee loogu magacdaray "Somalia Partnership Forum" kaasoo ay martigelinayaan saaxiibada beesha caalamka iyo dalalka deeqbixiyaasha ee daneeya arrimaha Soomaaliya, iyagoo ugu yaboohi doona dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Madaxda maamul goboleedyadda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug.

Shirkaan oo socon doona maalmo ayaa waxaa sidoo kale la filayaa inay soo xaadiraan xubno ka socda Deeq-bixiyaasha caalamka, iyo waliba dalalka sida gaarka ah daneeya arrimaha Soomaaliya ee loo yaqaan Beesha Caalamka ama saaxiibada Soomaaliya.

Danjiraha dowladda Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub ee Axmed Cali Fiqi ayaa Faysal Cali Waraabe kusoo dhaweeyay magaaladda Brussels, iyagoo qaatay kulan is-xogwareysi ah oo ku saabsan shirkaan, iyo kasoo qeybgalka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa dhowr Somaliland ku matelay shirar iyo wadahadalladii dhexmaray maamulkii hore ee Siilaanyo iyo dowladdii Federaalka ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka dhacay London, Dubai iyo Turkey.

Ma cadda hadii mas'uuliyiinta maamulka Hargeysa ay ka war-qabaan safarka Faysal Cali Waraabe, illaa iyo haatana ma jiro wax war ah oo ay Somaliland kasoo saartay ka qeybgalka Faysal Cali Waraabe shirka arrimaha Soomaaliya ee Belgium-ka.

Faysal Cal Waraabe ayaa la filayaa inay is arkaan madax katirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya, lama oga inay Farmaajo kulmi doonaan, balse ay suurta-gal yahay maadaama ay madasha shirka kuwada sugan yihiin, la is-ag-fadhiyo.

Ka qeybgalka shirkaan ee Faysal ayaa kusoo aadeysaa xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, oo hadda maamusho Tuuladda Tukaraq, gobolka Sool, halkaasoo ay ka dhaceen dagaalo labada dhinaca u dhaxeeya tan iyo January 2018.

Lama oga hadii ujeedka halkaas uu u tagay ay qeyb ka tahay arrinta Tukaraq iyo sidii loo qaboojin lahaa colaadda Sool, inkasta oo ay socdeen mudooyinkii dambe dadaalo ay wado beesha caalamka oo lagu doonayo in looga hortago dagaal markale dhaca.

Sidaasi si lamid ah, waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxeysa maamulka Muuse Biixi iyo Dowladda Federaalka oo ka dhalatay markii xukuumada Muqdisho codsatay in dhaqaalaha deeqaha ah laga jaro Somaliland.

Lama xaqiijin hadii arrintaan iyadana ay isla soo qaadi doonan madaxdda, wallow Ajandayaasha kulanka arrimaha Soomaaliya ee Belgium kala yihiin; Qorshaha Amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, dhaqaalaha iyo deymaha laga cafinayo Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee maamulka Somaliland ayaa waxaa la sheegaa inuu yahay siyaasi galaan-gal badan, islamarkaana leh wajiyo, oo uu kala macaamilo Beesha Caalamka, Shacabka deegaandiisa, iyo dowladda Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM