Somaliland oo war culus kasoo saartey Socdaalka Gaas ee Sanaag

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [Saylici] oo ka hadlay safarka uu Cabdiwali Gaas ku tegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ku tilmaamay inuu yahay socdaalkani "daan-daansi dagaal".

Madaxwaynaha Puntland ayaa gaarey halkaasi maanta oo Arbaco ah, waxaana ujeedka safarkiisa lagu sheegay inay salka ku hayso arrimo siyaasadeed, maadaama ay kusoo wajahan tahay doorashooyin ayna socoto xulista Xilldhibaanada.

Gaas oo kasoo kicitamey Qardho ayaa wuxuu halkaasi ka wadaa kulamo la sheegay inay qayb ka yihiin olalaha uu ugu jiro sidii uu mar kale dib ugu soo laaban lahaa, inkasta oo uu mar sii horeysay uga dhawaajiyey inaanu dib dambe isugu soo shirixi doonin.

Saylici oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay Hargeysa ku yeesheen siyaasiyiinta Somaliland ayaa shaaca ka qaaday maamulkiisa uusan udul-qaadan karin talaabooyinka noocaan ah, isaga oo tibaaxey inay u arkaan xadgudub dhulkooda lagu soo sameeyay.

"Waxaan maqalnay inuu Duhurkii maanta yimid halkaasi. Wuxuu kusoo xadgudubay xuduudkeenii, inaga oo aan ognahay dhibaatada ay ka geysanayaan Tukaraq. Waxaana u aragnaa inay tahay daan-daansi dagaal," ayuu hadalkiisa udhigay Saylici.

Somaliland iyo Puntland waxaa ka dhaxeeya colaad soo jireen ah oo ku saabsan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana dhex-maray dagaal kharaar, kuwaasoo galaaftay nolasha dad badan oo isugu jira Askar iyo Shacab labada dhinac kasoo jeedda.

WAR SAXAAFADEEDKA:

Somaliland waxay cambaareynaysaa socdaal daandaansi ah oo uu madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku tegay gobolka Badhan, waxana madaxda xukuumadda iyo axsaabta qaranka metelaysay ay si wada jir ah u sheegeen inay isku meel uga soo wada jeedaan difaaca qaranka.

“Haddaannu Somaliland nahay far qudha ayaannu nahay, militeri ahaan iyo siyaasad ahaanna waannu difaaci karnaa dalkeenna,Badhinina guuri mayso, dawladdana waannu ku garab taaganahay wixii dan guud ah iyo difaaca qarankaba oo waa loo siman yahay,” sidaa waxa warbaahinta u sheegay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhinaciisa shaaciyey inay qaranka Somaliland ka siman yahay difaaca dalkiisa mucaarid iyo muxaafidba, waxana uu yidhi,“Imaatinka madaxweynaha Puntland ee Badhani waxa ay muujinaysaa Daan-daansi, in iyada oo markii horeba laga wada-hadlayey in la nabadeeyo Tuka-rag in doc kale uu muran ka bilaabmaa waa daan-daansi, nabadduna cid walba waa dan, cid kasta oo abuuraysa xaalad ammaan-darro waxanu u sheegaynaa in qaranka waajibkiisu yahay inuu iska difaaco wixii gardarro ah.”

Ugu dambayntii madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay inay xukuumad ahaan ay waajibkeeda ka gudan doontaan gardarrada maamulka Muqdisho ka wado xuduudaha Bari ee dalka oo uu ku sifeeyey qaar looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo nabadda iyo deggenaanshaha ka hanaqaaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Waxannu halkan ka cambaaraynaynaa madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo kusoo xad-gudbay xuduudda Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, waxana aannu arrintaas u aragnaa xad-gudub qaran, iyada oo caalamku la socdo dhibaatada maanta Tuka-raq ka taagani ay ka timi gardarradii hore ee dawladda Soomaaliya wasiirkeeda qorshayntu ku yimi Badhan, iyada oo taas hawsheedii lagu jiro oo aan waxba la isla meel dhigin inuu mar labaad dagaal meel kale ka furo, waxannu leenahay ka xukuumad ahaan waajibka nagaga beegan baannu ka qaadan doonnaa, waana arrin aannu u aragno in dawladda Federalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland ka midaysan yihiin, si ay u carqaladeeyaan deggenaanshaha iyo nabadda ka jirta Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM