Somaliland oo xabsiga dhigtay Boqor Buur-madow iyo Wariye caan ah

Image

HARGEYSA, Somaliland - Ciidamada amaanka Somaliland, ayaa caawa fiidkii abaare [8:30 pm] xabsiga Boqor Buurmadow, oo kamid ah madax dhaqameedka ugu waaweyn deegaanada maamulkaasi.

Boqor Buurmadow ayaa la xiray Saacado kadib markii uu kasoo laabtey degmada Carmo, ee gobolka Bari halkaasi oo uu uga soo qeybgalay Caano-shubka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland, Faysal Xiis Cilmo oo Saxaafadda uga warbixiyay xariga Boqor Buurmadow ayaa sheegay in Odayga lagu soo eedeeyay qaran-dumis iyo hadallo meel ku dhac ku ah jiritaanka Somaliland oo u ka jeediyay Carmo.

Faysal ayaa intaasi ku daray in xariga Boqor Buurmadow ay u mareen qaab sharciga waafaqsan, oo Maxkamad ay usoo jartay Warqada xasbiga ay ku dhigeen.

Afhayeenka ayaa xusay in Boqor Buurmadow lasoo taagi doono Maxkamad.

Boqor Buurmadow ayaa Khudbadii uu ka jeediyay calaama-saarka Beeldaaje Maxamed kaga hadlay colaadda u dhaxasay Somaliland iyo Puntland, gaar ahaan arinta Tukaraq isagoo baaq nabadeed u diray madaxda labada maamul.

Dhanka kale, Ciidamada Somaliland ayaa Garoonka diyaaradaha Hargeysa kasoo qabtey Wariye lagu magacaabo Najiib Cabdiweli [Xiis] xilli uu kasoo laabtay safar shaqo oo uu ku tagey magaalada Muqdisho.

Sababta loo xiray Wariyan, oo ka howlgala Universal TV ayaa lagu sheegay inuusan wadan Baasaboorka Somaliland, kaasi oo dhawaan maamulka Muuse Biixi uu kusoo rogay dhamaan shacabka Somaliland ay qaataan markii ay u safrayaan Muqdisho.

Somaliland ayaa horey u xirtay shaqsiyaad dhowr ah, oo Muqdisho shaqo u tagey kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Wariyaal iyo Fanaaniin, waxaana dadkaasi kamid ah Naciima Qorane, oo lagu xukmay 3 sano oo xabsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM