Somaliland oo xad-gudub ku tilmaamtay socdaalka Wasiir Jamaal

Image

HARGAYSA, Somaliland- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay socdaal shalay wasiirka Qorshaynta dowladda Federaalka Soomaaliya ku tagay qaybo kamid ah gobolka Sanaag.

Wasiirk Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in socdaalkaas uu ahaa mid xad-gudub ku ah gobolka iyo calaaqaadka Soomaaliya iyo Somaliland.

Sacad ayaa safarkaas ku tilmaamay mid ku dhammaan doona cawaaqib xumo iyo kala fogaansho dadka deegaanka ah.

"Wallaahay runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidannahay Soomaliya iyo Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub arrinkaasina wuxuu khal-khal galinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaka iyo Soomaaliya waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad taasi oo aan dan u ahayn dadka deegaanka iyo gobolka toona," Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sidaas yiri.

Gobolka Sanaag ayaa kamid ah meelaha ay ku murmaan maamullada Somaliland iyo Puntland, waxaana shalay degmada Baran gaaray wasiirka Arrimaha Qorshaynta oo ay la socdaan Xildhibaano iyo wasiiro katirsan Puntland.

Sanaag ayaa meelo kamid ah waxaa horay u booqday mas'uuliyiin katirsan Somaliland, waxaana doorashadii dhawaan dhacday ka dhiibtay qaar kamid ah dadka reer Sanaag.
Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin hadalkan oo kusoo beegmay xilli hogaamiyaasha labada dhinac ololihii doorashada ku galeen inay wada-hadal ka gali doonaan arrimaha ay ku kala aragti duwanyihiin labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM