Somaliland oo xaqiijisay dhimasho iyo kiisas horleh oo ah Coronvirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaarada Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 14 kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Xalaadaha cusub ayaa laga soo dhex-saarey konton iyo afar ruux oo laga baarey xanuunka, sidda ku xusan warbixin maalinlaha ah.

Afar iyo toban qof (14) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa muwaadiniin, 8 qof waa rag [Lab], 6 qofna waa dumar [Dhedig].

Da'da Bukaanadan cusub ayaa waxay dhaxaysaa: 20jir ilaa 29jir = 3 qof, 30jir ilaa 39jir = 2 qof, 40jir ilaa 49jir = 3 qof, 50jir ilaa 59jir = 3 qof, 60jir ilaa 69jir = 2 qof iyo 70jir ilaa 79jir = 1 qof.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, dhamaan shaqsiyaadka uu soo ritay xanuunka waxay ku sugan yihiin magaala madaxda Hargeysa.

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Kow iyo Labaatan (21)," ayaa la raaciyey warbixinta.

Nasiib darro, waxaa geeriyootay laba qof ayaau dhimatay cudurka kuwaas oo ah rag, waxayna ku kala noolaayeen Hargeysa iyo Burco.

Da'dooda ayaa kala ahayd 59-sano jir iyo 60-jir. Dhimashadda soo korortay waxay wadarta guud ka dhigeysaa todoba iyo toban (17).

Guud ahaan Soomaaliya, xaaladaha caabuqa faafa ayaa waxay sii marayaan 1,689, dadka ka caafimaadey waxay noqotay 235, halka muwaadiniinta uu galaaftay ay tahay 66, oo badi ku dhaqanaa Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM