Somaliland oo xaqiijisay kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa Talaadada maanta ah ku dhawaaqdey kiisaskii ugu horeeyay ee fayruska Corona.

Kiisaska oo laba ah ayaa laga kala helay magaalooyinka Berbera iyo Burco ee waqooyi galbeed Soomaaliya, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay GO, kiiska Berbera waxa uu soo ritay muwaadin u dhashay dalka China, oo halka uu cudurka kasoo bilowday.

Bayaanka oo fahfaahin aad u kooban lagu bixiyey ayaa wuxuu intaas ku daray in ruuxa Burco ku sugan uu yahay "muwaadin haysta dhalashadda boqortooyadda Ingiriiska".

Shaqsiyaadka ayaa baaritaan lagu sameeyay markii la tuhmay. Tijaabooyinka laga qaadey waxaa lagu soo hubiyey sheybaar Hay'adda WHO aqoonsan tahay oo Nairobi yaala.

"Xaalada bukaanada haatan waa ay fiican tahay, waxayna ku jiraan karan-tiil gaar ah," ayuu yiri mas'uul ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo u waramay saxaafada.

Sikastaba, kiisaska ay soo bandhigtay Somaliland ayaa shan ka dhigaya xaaladaha la xiriira cudurka ee laga soo wariyey guud ahaan Soomaaliya, oo saddex kamid ah laga soo sheegay Muqdisho.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM