Somaliland oo xuska 26-ka June iyo 1-da May u baajisay Covid-19 awadiis

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xaqiijiyey in sanadkan aysan qabsoomi doonin munaasabadaha xuska ee 26-ka June iyo 1-da May.

Biixi oo wariyeyaasha kula hadlay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, ayaa tilmaamay in talaabadan ay la xiriirto cabsida laga qabo faafitaanka safmarka Coronavirus ee dunida ruxay.

Shaacintaan ayaa imaaneysa xilli uu xalay kulan la yeeshay hogaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaradka ee Waddani iyo UCID, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay arrintaan isla soo qaadeen.

Sanad walba, Somaliland ayaa xusta 26-ka June, 1960, oo ah maalintii ay goboladii waqooyi - ee hadda ah Somaliland - xornimadoodii ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya inteeda kale.

Intii uu ku guda jiray shirka jaraa'id, Biixi ayaa dadweynaha xusuusiyey in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee looga hortago cudurkaas dilaaga ah ee heeganka geliyey dunida.

Degaanada Somaliland ayaa laga xaqiijiyey Sagaal xaaladood oo ah Coronavirus, hal dhimasho ah, mana jiro bukaan ka caafimaadey, sidda ay muujineyso warbixintii u dambeysa ee WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM