Somaliland: Taliye xilka laga qaaday

Image

HARGAYSA-Taliyihii laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf "Cambaro", ayaa xilkii laga qaaday, waxana beddelkiisa la magacaabay Maxamed Cismaan Caalin oo horraantii 2012-kii xilkan banneeyey.

Inkastoo aan warbaahinta loosoo bandhigin wareegtada taliyahaas xilka lagaga qaaday, haddana wararka laga helayo laanta socdaalka, ayaa sheegaya in wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde uu xilka ka qaadistaas iyo magacaabistaanba sameeyey, iyadoo aan si rasmi ah loo ogayn sababta isbedelka keentay. 

Taliyaha labadalay, ayaa mudooyinkii dambe ku howlanaa taalloobin ay kamid ahayd kasaarista Somalia dadka ajaanibta iyadoo hadda gaba-gabo dhaweyd muddo bil ah oo u qabtay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM