Somaliland waqti ku dartey ajaanibta la saarayo

Somaliland

HARGEYSA- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay kordhisay wakhtigii ay hore u shaacisay inay dadka ajaanibka ah ee aan sharciyada haysani kaga baxaan Somaliland waxana lagu daray muddo bil ah oo dheeraad ah.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf oo arrintan maanta shaaciyey ayaa sheegey waqti kordhintaan, isaga oo xusey in logu talagley in dadkaan hantidooda kala baxaan muddo ku filan.

Somaliland ayaa muddo haatan laga joogo bil waxa ay shaacisay inay dalkeeda kaga baxaan cidkasta oo aan sharci haysanin waxana muddadaas  ku baxay ajaanib ah oo u badan qoomiyadda Oromada.

GAROWEONLINE

Warar la xiriira

HARGAYSA- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay eedo la xiriira  codsi xarun laga bixiyo baasaboorka Soomaaliga oo laga furo Somaliland oo uu madaxa laanta Socdaalka Soomaaliya Gen. Cabdilaahi Gaafow u jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Waran-cad ...

Wararkii ugu dambeeyey