​Somaliland: Wariye lagu xiray Madaarka Hargaysa

Image

HARGAYSA, Somaliland- Ciidamo katirsan kuwa Booliiska Somaliland, ayaa maanta ku xiray Garoonka diyaaradaha Harygasa, Wariye Cumar Cali Xasan Geelle (Seerbiya), oo kasoo jeeda deegaanada maamulkaas balse ka howlga TV iyo Idaacad fadhigoodu yahay Muqdishu.

Wariyahan oo sidoo kale ka faalooda arrimaha Somalia iyo Caalamka ayaa muddo safar kaga maqnaa Somaliland isagoo ku sugnaa Caasumadda Somalia.

Isagoo ka howlgalayay Warbaahinta Goob Joog, ayuu dhawaan ku aqal galay Muqdishu, waxaana uu saaka kasoo safray magaalada Xamar isaga iyo xaaskiisa oo u socday Qaraabo Salaam.

Xaaskiisa ayaa la sheegay in laga qaaday taleefonka Gacanta ee ay wadatay.

Balse markii uu soo gaaray Madaarka Aadan Cade, waxaa loo taxaabay xabsi ku yalla Garoonka oo iminka ku jiro.

Lama sheegin sababta loo xiray, balse xukuumadda Somaliland ayaa watay tallaabooyin ka dhan ah dadka booqda caasumadda Somalia maadama maamulkaasi sheegto Jamhuuriyad Madax bannaan.

Taliyaha Nabad Sugidda Somaliald ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay amarka lagu xiray Cumar Seerbiya oo hadda ka howl galayay Telefishinka iyo Radayaha Goob Joog oo fadhigiisu yahay caasumadda Somalia.

Sawir lagasoo qaaday Waqtiga la xirayay ayaa muujinaya isaga oo daba socda Askari katirsan Booliiska oo ku hubaysan Qoriga AK47.

Wariyahan ayaa horay walaac uga muujinayay Waraaqo uu sheegay inay ka yaallaan goobaha lagasoo galo Somaliland.

Horay waxaa loo xiray Wariyaal booqday Muqdishu oo ugu dambeeyay Coldoon oo markii dambe lagusii daayay Cafis Madaxweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM