Somaliland: Wasiir Koore "Garoowe iyo Laas-caano mid uun baa Qaxaya"

Somaliland
By Wariyaha Hargaysa , Garowe Online

HARGAYSA, Somaliland- Wasiirka Biyaha Somaliland, Saleebaan Cali Koore, ayaa faah faahin ka bixiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda qaybo kamid ah gobolka Sool, kaasoo u dhaxeeya maamullada Somaliland iyo Puntland.

Wasiirkan oo kamid ah kuwa kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa sheegay in xukuumadda Hargaysa aysan duullaan ku ahayn magaalada Garoowe islamarkaana aysan ka tallaabayn xadka ay wadaagaan gobollada Sool iyo Nugal, balse qorshahoodu yahay in ciidamada Somaliland tagaan meel kasta oo looga codeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

"Waxaad ogtihiin in doorashada Madaxweynaha Somaliland oo hadda labo bilood kasoo wareegin laga doortay; ilaa Xallin, Taleex, Tukaraq, Laas-caanood, Baran, uu yahay codka dadka uu ku fadhiyo oo ay ku doorteen dadkaas iyagoo maankooda iyo maskaxdooda qaba, waana wax caalamiya oo la ogyahay sanaadiiqda aan Kacayo ka keenay ee lagu dooray Muuse Biixi, waxay ka yimaadeen meel Qardho u jirta 40KM, Garowe-na u jirta 30KM, ayaa dadku ka codeeyeen iyagoo maankooda iyo maskaxdooda qaba," sidaas waxaa saxaafadda u sheegay Wasiir Koore.

Wasiirkan oo aan marnaba soo hadal qaadin Puntland, balse hadalkiisa ku sheegayay in howlahan ay wado Soomaaliya, wuxuu dhaq-dhaqaaqyada ka socda Sool ku sifeeyay mid madaxda hadda xafiiska jooga ay ku raadinayaan muddo kororsi.

“Waxa muuqata in maamulka soomaaliya ay dhib ka wadaan deegaanada iyo xuduudaha iyo dhulka somaliland ee sida kalsoonida ah codka loogaga doortay madaxweynaha, aniga oo joogay goob kasta iyo meel kasta, arimahaasna waxaan is leeyahay waxa loo samaynayaa sidii loogu xalin lahaa khilaaf siyaasi ah oo dhexdooda ka taagan , ha ahaato mid Xamar ka socda iyo mid Garoowe ka socota oo la rabo in lagu jaah wareeriyo dadka iyo in lagu rabo soo noqosho madaxeed iyo mudo korodhsi,” sidaas waxaa hadalkiisa ku dairy Wasiir Koore.

Wuxuu ka digay in colaad gobolka ka hurto oo ay saamayn ku yeelato magaalada caasimadda ah ee Garoowe, taasoo uu sheegay in muddooyinkii dambe ay samaynaysay hormar oo ay ku girto magaalooyinka ugu kobaca badan dalka.

“Reer Garoowe ayaan la hadlayaa ee kama hadlayo Boosaaso iyo Gaalkacayo waxaan leeyahay laba ayey taagan tahay anaga oo aan dhib wadin waxaanay tahay Laascaanood iyo Garoowe mid ayuunbaa qaxaya haddii aad sii wadaan dagaalka, Ciidankuna barta uu joogo waa dhulkiisii somaliland ee uu deganaa ee uu dagi doono ee uu joogi doono,” sidaas waxaa yiri wasiirka Biyaha Somaliland oo hadalkiisa ku sii darai, “Waxaan leeyahay labadaasba yaysan dhicin midna dan uma aha dadka iyo deegaanada aan ku noolahay.”

Isagoo la hadlayay dadka ay isku haybta yihiin ee ku sugan Garoowe, wuxuu wasiir Koore sheegay inaysan saamayn ku yeelan doonin arrimaha gobolkan, laakiin ay diyaar ula yihiin wixii ay u baahanyihiin hadii ay ahaan lahayd shaqo ama Saldanad ay leeyihiin inaan laga faro galin.

Hadalkan ayaa yimid xilli mas’uuliyiinta gobolkaas kasoo jeeda ee ku jira Xukuumadda Puntland, aysan wali ka hadlin xiisadda gobolka Sool oo kamid ah deegaanada ay ku mur-maan Puntland Ido Somaliland.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey