Somaliland: Xisbiga Kulmiye oo u jawaabay Cabdiraxmaan Cirro

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiga haya Talada Somaliland ee KULMIYE ayaa si kulul uga jawaabey eedeymo uu gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka WADDANI u jeediyay shalay Madaxweyne Muuse Biixi.

Jaamac Ismaaciil Cige [Jaamac Shabeel], oo ah gudoomiyaha gollaha dhexe ee KULMIYE ayaa Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtey Hargeysa kaasi oo uga hadlay eedaymaha uu jeediyay Cabdiraxmaan Cirro.

Cirro ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi iyo Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo inay sameeyeen qiyaanno qaran, kadib markii uu sida uu sheegay ay ka qariyeen shacabka Somaliland xogta heshiiska Berbera.

Jaamac Shabeel ayaa ku tilmaamay eedeymaha uu u jeediyay Cirro madaxda Somaliland kuwa ka fog xaqiiqda, oo lagu dhaawacayo sharfta Madaxweyne Siilaanyo, oo Xukuumadiisii saxiixday Heshiisyada Imaaraadka.

Cirro ayaa sheegay in Heshiiska dowladda Imaaraadka ay ku maalgashanayso Dekedda Berbera ay gashay dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana maamulka Somaliland uu fulinayo oo kaliya.

Cirro ayaa eedan jeediyay maalin kadib markii uu Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Gargaash oo sheegay in ay heshiiska Berbera la galeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jaamac ayaa tibaaxay in heshiiska Maalgashiga ee Berbera markii ay Xukuumaddii Siilaanyo soo saxiixda la horgeeyay Aqalka Wakiiladda, kadibna ay Xildhibaanada cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen, iyadoo uu shir gudoon ahaa xilligaasi Cabdiraxmaan Cirro.

Cirro oo ku guul-dareestay dartankii doorashada madaxtinimo ee Somaliland bishii November 2017 ayaa shirkiisii Jar'aaid Khamiista ugu baaqay Muuse Biixi inuu is-casilo, kuna dhawaaqo doorasho deg deg ah.

Gudoomiyaha WADDANI ayaa dhanka kale ku baaqay in Maxkamad lasoo taago Siilaanyo, oo uu ku eedeeyay inuu god madow uu ku riday mustaqbalka Somaliland, islamarkaana ku kacay qiyaanno qaran.

Shirkadda laga leeyaha Dubai ee DP World ayaa shaacisay in Heshiiska Berbere ee saddex geesoodka ah, kaasi oo Itoobiya qeyb ka tahay uusan u hakan doonin go'aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM