Taliyaha Ciidamada Somaliland: Caare waa dambiile mudan dil toogasho

Image

HARGEYSA, Somaliland – Taliska Ciidanka Milatariga Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamadii kasoo baxay maamulkaasi ee todobaadkii hore u soo wareegay dhanka dowladda Puntland.

Askarta oo ay ku jiraan laba taliye ayaa maamulka Hargeysa u qaabilsanaa aaga degmadda Badhan, waxaana iyaga oo wata gaadiidkooda Jimcadii soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsa baarlamaanka Puntland.

Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidanka Militariga Somaliland, oo hoos u dhigay in ay u dhutin doonan xoogagaasi ayaa ku tilmaamay "caag-layaal si xaq daro ah ku qaadan jiray gunnooyin".

"Waxay la tageen khiyaanadooda, markii horeyba xiriir hoose ayaa ka dhaxeeyay, waxay lamid yihiin kuwii hore ee goostay ee amar-diida sameeyay. Kuwa kalena waan eryi doonaa ama iyagaa bixi doona," ayuu xusay.

Gobolka Sanaag ayaa wayadaan dambe waxaa ka socdey isbadalo dhinaca ciidamada ah, iyadoo saraakiil ka soo jeeda degaankaas oo la shaqeyn jirey Somaliland u soo wareegeen dhinaca Puntland.

Talaabooyinkaan ayaa bilowdey kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland dagaal kooban bishii May ee sanadkaan la galeen wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Dhinaca kale, taliye Taani oo soo qaadey arrinta Korneyl Caare, kaasi oo wada hadal kula jira xukuumadda Biixi ayaa ku tilmaamay "dambiile mudan dil toogasho" maadaama "loo haysto dilalka tobban ruux".

"Dad baa oranaya waa geesi, hala sii daayo, halkee buu geesi ka noqday oo uu qaranka ugu shaqeeyay, isaga oo dilalka 10 qof loo haysto buu baxsaday, aniga waxaa qabaa in loo qisaaso bay ahayd," ayuu raaciyey.

Caare oo aas-aastay Jabhad la yiraahdo Dulmi-diid taasi oo dagaalo kharaar la gashay Somaliland ayaa intii uu kamid ahaa ciidanka Somaliland loo xiray dilka dad, balse odayaal ayaa xorriyadiisa u soo celiyay.

Isku dhacyadda Jabhadda Caare iyo Somaliland oo muddo socda ayna ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac, labada dhinac ah, si lamid ah barakac ah shacab, ayaa xukuumada Biixi ku noqotay laf-dhuun gashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM