Turkiga oo Muuse Biixi kala hadlay dib u billaabidda wada-xaajoodka Villa Somalia

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Somalia, Mehmet Yilmaz ayaa ka warbixiyay safar uu isaga iyo saraakiil kale oo Safaaradda katirsan ku tageen 7-dii bishan magaalada Hargeysa, ee xarunt maamulka Somaliland.

Booqashada oo ahayd midii ugu horeysay ee uu Safiirka ku tagey Somaliland tan iyo markii loo soo magacaabey Somalia bishii December, ayaa kusoo beeganantay xilli xiisad u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland wali ka jirta gobolka Sool, gaar ahaan Tukaraq.

Mehmet ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa Hargeysa, iyo wadahadalka uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid miro-dhal ah.

Kulanka Safiirka iyo Muuse Biixi ayaa diiradda lagu saarey kaalinta Turkiga ee dhex-dhexaadinta wadahdallada maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Ankara Turkiga ayaa u magacawday safiirkeedii hore ee u fadhiyay Muqdisho, Olgan Baker inuu noqdo u qeybsanaha Turkiga ee Wadahadalka Somaliland iyo Villa Somalia, kaasoo hakad ku jiray tan iyo markii ay dhacday doorashada Farmaajo 2017.

Turkiga oo xiriir dhaw kala dhaxeeya Qadar ayaa saldhig military ku leh Muqdisho, kaasoo ay ciidamo ka joogaan, sidoo kalena tababar lagu siiyo ciidamada dowladda Federaalka Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM