UK oo ka hadashay heshiiska xisbiyadda Somaliland ee doorashada

Image

HARGEYSA, Somaliland – Dowladda Ingiriiska ayaa durba waxay soo dhaweysay heshiiska ay maanta Hargeysa kaga dhawaaqeen xisbiyadda maamulka Somaliland ee lagu soo afjaray muranka doorashada maamulka.

Stuart Brown, wakiilka xukuumadda London u fadhiya Hargeysa, ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka kusoo dhaweeyay heshiiskaas oo xeerinaya in doorashooyinka ay qabsoomaan isla sanadka 2020.

"UK waxay soo dhaweyneysaa heshiiska saddex geesoodka ah ee xisbiyadda ka gaareen doorashooyinka. Xaqiijinta doorka guddiga doorashada, degaameynta kuraasta iyo muddeynta doorashadda waa talaabooyin horey loogu qaadey doorashooyinka Somaliland ee 2020," ayuu yiri.

Diblumaasiga ayaa raaciyey: "Waxaan rajeynayaa in xisbiyadda ay xaqiijin doonan metelaada dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka".

Doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka ayaanan qabsoomin lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana khilaafka badi uu ka taagnaa guddiga maamulaya coddeynta oo xisbiyadda qaar ay dureen.

Baarlamaanka haatan shaqeeya ayaa xafiiska yimid 2005, waxaana tan iyo xilligaas aan lagu sameyn wax isbedel, talaabadaas oo carro dhalisay.

Beesha Caalamka gaar ahaan Midowga Yurub iyo Britain ayaa ku lug lahaa wadahadalada xalka loogu raadinayey xiisadda doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo natiijooyin kasoo baxay qaarkood aanan la fulin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM