Waddani iyo UCID oo eedeeyay Biixi kana dayriyey xaalka Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiyadda WADDANI iyo UCID, ayaa kasoo horjeestay ansixinta Guddiga Doorashooyinka Somaliland. Golaha Wakiilada ayaa meelmariyey lix kamid ah todoba xubnood.

UCID waxaa madax u ah Faysal Cali Waraabe. WADDANI-na waxaa hogaamiya Cabdiraxmaan Cirro, afhayeenkii hore baarlamaanka.

WADDANI ayaa dib ula noqday xubintiisa, isaga oo ku dooday in Guddiga ay kamid yihiin xubno u jaran-jeera dhanka xukuumadda haatan jirta.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ayaa waxay eedeymo iyo weerar afka ah ku ekeeyeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Axsaabta ayaa ku dhaleeceeyay Biixi "in uu khaarijinayo dimoqraadiyadda" maamulka fadhigiisu yahay magaaladda Hargeysa.

Kulan degdeg ah kaasoo wada tashi ah ayay soo jeediyeen in ay yeeshaan dhamaan daneeyeyaasha Somaliland si looga hadlo xaaladda taagan.

"Mustaqbalka Somaliland wuxuu kasii dhacayaa buur dusheeda," ayay cod dheer ku yiraahdeen, sidda ku xusan warka qoraalka ah.

Bishii hore ayay ahayd markii xisbiyaddan ay la laabteen xubnahooda ay u xusheen in ay ku metelaan Guddiga Doorashooyinka.

"Xubnaha ku jira xisbiga ee ka tirsan KULMIYE [xisbul xaakimka] waxay kasoo horjeedaa shuruucda doorashooyinka," ayay raaciyeen.

Bishii July 28-keeda ayay xisbiyada Somaliland gaareen is-afgarad ay kusoo afmeerayaan ismaandhaaf muddo ka taagnaa dhinaca doorashooyinka.

Ururka Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska ayaa door weyn waxay ka cayaareen heshiiskaas oo hadda u muuqda mid dhicisoobay.

Maadaama horey u qabsoontay coddeyntii madaxtooyadda, guddiga cusub ayaa waajibaadkiisu wuxuu yahay diyaarinta doorashadda baarlamaanka iyo golaha degaanka oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid.

MUUQAALKA CIRRO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM