Waddani: Kooxda Kulmiye waxay goyneysaa jiridii jiritaanka Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa durba wuxuu ka falceliyay doorashadda gudoonka guddiga doorashooyinka ee maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Guddiga oo fadhi ku yeeshay magaaladda Hargeysa ayaa waxay gudoomiye u doorteen Cabdirashiid Riyo-raac, oo ah xubinta keentay khilaafka mucaaradka iyo xukuumadda Muuse Biixi.

Barkhad Batuun, afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo sheegay in ay kasoo horjeedaan doorashaddan, ayaa sheegay "in jiritaanka Somaliland uu haatan ku jiro khatar weyn".

"Xaaladda Somaliland ma mareyso meel la yiraahdo xisbiyow maxaad qabtaa, xisbiyow maxaad oraneysaa? Bashanu komishinna ma taagna, doorasho ma taagna dimoqraadiyad," ayuu yiri.

Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa si adah ugu eedeeyay "in uu goynayo jirideedii" dhismaha maamulka fadhigiisu yahay magaaladda caasimada ah ee Hargeysa.

"War jiritaanka qaranimadda Somaliland ayay jirideedii goynayaan kooxdan Kulmiye, marka masiirkii 30-sano ummadan soo dhaqeysay ee intaan aan kuu sheegay lahaa ayaa khalkal ku jiraa".

Mar la waydiiyey talaabadda xigta oo ay waadayaan ayaa wuxuu ku adkeystay "gedaal ayaan kasoo sheegaynaa".

"Markaa mar xalad xisbi wax yiraahdo ma mareysaa, tallo qaran badbaado qaran bey taagan tahay," ayuu afhayeenka oo dhowaan xabsi laga soo daayey kusoo koobay hadalkiisa.

Somaliland oo sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale ayaa nan aqoonsi helin tan iyo 1991-dii, waxaana dunida u aragtaa maamul hoostaga xukuumadda Muqdisho.

Lixdii sano ee lasoo dhaafay qalalaasaha ugu badan ee Somaliland ayaa ka taagna doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka.

Mucaaradka ayaa dhowaan ku goodiyey in ay taageereyaashooda ugu baaqi doonan in joojinayaan canshuur bixinta si ay cadaadiska ugu kordhiyaan xukuumadda Biixi.

Beesha Caalamka oo ka walaacsan xaaladda Somaliland ayaa kasoo horjeesatay muddo kordhin laba sano ah oo loo sameeyay Golaha Wakiiladda todobadii sano ee lasoo dhaafay shaqeynaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM