Wafdi caalami ah oo Muuse Biixi kala hadlay colaadda Somaliland iyo Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta oo Axad ah wafdi ay kala hogaaminayaa ku xigeenka Madaxda Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Wakiilka IGAD ee dalka.

Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Jumciyada Qurumaha ka dhaxeysa u qaabilsan Soomaaliya, Rai Zenenga, iyo Wakiilka Urur goboleedka IGAD fadhiya dalka, Maxamed Cali Guyo, ayaa Biixi kala hadlay arrimo dhowr ah.

Masuuliyiinta ka socotay dhinaca Somaliland ee kulanka kasoo muuqatay waxaa kamid ah; Madaxwayne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sacad Cali Shire, iyo xubno kale oo heer sarre ah.

Qodobada ay madaxda isla soo qaadeen waxaa qayb ka ah; colaada gobolka Sool ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, qaabka xal waara loogu heli karo iyo wadahadalada dowlada Soomaaliya iyo maamulkaan gooni isku taaga ah.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxwaynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in sidoo kale masuuliyiinta ay isla soo qaadeen amniga gobolka iyo wanaajinta xaalada bani’aadanimo ee degaanka.

Waa markii labaad oo ay Zenenga iyo Guyo sanad gudahiisa kulan looga hadlayo nabadaynta Sool kala hadlaan madaxda Somaliland, kuwaasi oo ciidamadooda ay dagaal ku qabsadeen bishii Janaayo tuulada Tukaraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM