​Wajiga koowaad Dacwadda garabyada UCID oo furmay

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland- Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Axsaabta Somaliland, ayaa si rasmi ah u gudo galay wajigii koowaad ee dacwadda u dhaxaysa labada garab ee xisbiga caddaaladda iyo Daryeelka ee (UCID), kaasoo u kala jabay labo garab oo ay kala hoggaaminayaan musharrax Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.

Fadhiga maanta, oo ay guddigu isugu yeereen labada garab ee ay kala horkacayaan labadaasi mas'uul, ayaa waxaa la weydiiyay su'aalo la xiriira arrimaha isku hayaan iyo dacwada la iska gudbiyay waxay la xiriirto.

Guddida diiwaangelinta ururrada, ayaa muddo saacado ah dhegaystay difaaca iyo eedaha labada dhinac, waxana dhinac waliba halkaas ka sheegtay waxa uu isku difaacayo iyo qoddobada uu u cuskanayo doodihiisa.

Muddo katib, guddigu waxay fasaxeen dhinacyadii dacwaddu u dhaxaysay, iyagoo shaaciyay inay lafo gur ku samayn doonaan waxyaabaha labada dhinac la gole tageen, waxayna caddeeyeen inay dhawaan go’aamo kama dambays ah kasoo saari doonaan dacwaddaas.

Go’aamada kama dambaysta ah ee ay guddidu soo saari doonto, ayey sheegeen in ciddii ku qanci weydaa ay rafcaan u qaadan doonto dhinaca maxkamadda sare ee Distooriga ah, taas oo ka garnaqi doonta wixii dambe.

Dhinacyadii dacwaddu u dhaxaysay oo halkaas hadalo kooban saxaafadda uga jeediyey, ayaa sheegay inay go’aan caddaaladi ku dheehan tahay ka sugayaan guddigaas, iyagoo shaaciyey inay ku qanci doonaan go’aanka soo baxa.

Xisbiga UCID, ayaa dhawaan waxa soo kala dhexgalay khilaaf u dhexeeya guddoomiye Faysal Cali-waraabe iyo musharraxa xilka madaxtinimo ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, kaas oo gaaray heer xubnaha kale ee xisbiguna la kala saftaan labadaas hoggaamiye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM