Warbixin: Ololaha Doorashada Somaliland oo Mareysa Heer Gabo Gabo Ah

Image

HARGEYSA- Ololaha Doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa galay wareegii ugu dambeeyay, iyada oo saddexda xisbi mid waliba soo gabagabeynayo booqashada gobolada Lixda ah ee uu ka kooban yahay maamulkaas.

Saddexda musharax ee doorashada ayaa taageerayaashiisa kula hadlay magaalooyinka waawayn ee Somaliland halkaas oo ay kaga codsadeen in ay codka siiyaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta taageerayaashiisa kala hadlay Ceerigaabo halkaas oo uu khudbad dheer uga jeediyay, shacabka Gobolka sanaag isagoo kaga codsaday in ay codkooda siiyaan. Waxaa uu halkaas ugu sameeyay balan qaad uu fulin doono hadii loo doorto kursiga Madaxtooyada.

Xisbiga Wadani ayaa isagu maanta ka hadli doona Ceerigaabo iyadoo la filayo musharax Ciro khudbad ku aadan tartanka uu ugu jiro xilka uga sareeya Somaliland ka jeedin doona magaaladaas.

Taageerayaasha Wadani oo ka qayb galaya isu soo baxa Xisbiga

Magaalada Hargeysa ayaa la filayaa in xisbi walba ku soo gabo gabeeyo ololihiisa doorashada iyadoo maalinta Jimcaha ee todobaadkan ugu dambeyso isu-soo baxyada tageerayaasha.

Xisbiga UCID ayaa bilaabaya isu soo baxa tageerayashiisa ku sameyn doonaan magaalada Hargeysa iyadoo labada xisbi ( Kulmiye iyo Wadani) labada maalmood ee Arbacada iyo Khamiis kula hadli doona tageerayashooda magaalo madaxda dowlada Somaliland ee Hargeysa.

Laba cisho ayaa la nasan doonaa iyadoo maalinta Isniinta ee 13 November dadweynaha Somaliland u dareeri doonaan doorashada Madaxweynihii 5aad ee soo mara maamulkaas, kaasoo xilka hayn doonaa mudo Shan sano ah 

Doorashada Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa iney noqoto midii ugu adkeyd dhinaca tartanka iyadoo wararka laga helayo dadka xogogaalka ah sheegayaan in siyaasiyiinta iyo dadweynahu aad ugu kala qaybsan yihiin taageerada musharaxiinta xisbiyada u tartamaya xilka ugu sareeya ee maamulkaas.

Madaxweynaha Somaliland Axmad Maxamad Maxmuud Siilaanyo ayaa isugu ku jirin tartanka doorashada madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye isagoo ka fariisan doona siyaasada.

Madaxweynaha Somaliland Axmad Maxamad Maxamud Siilaanyo

Heshiiskii madaxda dowlada Federalka iyo maamulada Soomaaliya maalintii Axada ku gaareen magaalada Muqdisho ayey ku bogaadiyeen doorashada ka dhaceysa Somaliland.

Somaliland ayaa go'aansatey in dalka Soamaaliya intiisa kale ka go'do iyadoo aan weli helin aqoonsi caalami ah.

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM