Warsaxafdeed: Somaliland oo heshiis la saxiixatey Dubai World [ Sawiro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DUBAI- Madaxweynaha Somaliland oo safar ku soo gaarey maanta wadanka Imaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai ayaa heshiis la saxiixdey Dubai World oo ah shirkad qaabisalsan dekadaha taasoo hurumarin iyo dhismey ku sameyn doonta dekada Berbera.

Mundane Axmad Maxamad Siilanyo oo maanta kasoo ambabaxey wadanka Jabuti halkaasoo kaga qayb galey munaasabada caleemo saarka ayaa sidoo kale la kulmay Mohamad Bin Rashid Al- Maktoum.

Warsaxafadeed kasoo baxey heshiiskaan oo warsidaha Garowe Online soo gaarey ayaa u qornaa sidatan: 

Madaxweyne ku xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ahna Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, isla markaana ah xaakimka Imaaradda Dubai, Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum ayaa maanta qaabiley Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane.  Axmed Maxamed  Silaanyo qasrigiisa.

Madaxweynaha oo la dejiyey hotelka Al-qasar, ee ku yaalla madiinatu Jubayra ee Dubai ayaa wuxuu gudoonsiiyey madaxweynuhu Ra’iisal wasaaradaha Dalkaasi hadyad ah, astaanta qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Weftiga uu horkacayo madaxweynuhu ee ku sugan Dubai ayaa heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxeexday masuuliyiinta shirkada Dubai World oo ah shirkadda u qaabilsan Isu-tagga Imaaraadka dhinaca dekedaha, gaar ahaan waxa heshiiskaasi saxeexay gudoomiyaha shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ka wakiil ah dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo dhinaca Somaliland oo uu u saxeexay Wasiirka Arrimaha dibeda Dr. Sacad Cali Shire.

Ujeedada heshiiskan ayaa ah dhismaha, dayactirka iyo ballaadhinta dekeda caalamiga ah ee Berbera. Waxa kale oo heshiiska la kala saxeexday ka mida dhismaha waddada loo yaqaan Berbera Corridor oo ah waddada ganacsi ee isku xidhidhaysa Berbera iyo Itoobiya. 

Waxa kale oo ka mid ah heshiiskaa horumarin lagu samayn doono dhinaca beeraha, tamarta, Korontada, dalxiiska, mid ka mid ah Hoteelada casriga ah ee loo yaqaano (Five Star Hotel) oo laga hirgelindoono Magaalada Berbera iyo guud ahaanba tababarada shaqaalaha iyo horumarintooda oo looga golleeyahay in lagu gaadho maamul wanaag.

Heshiiskan ayaa noqon doona, iyadoo lagu rajo weyn yahay in uu degdeg u fulo, mid faa’iido balaadhan u leh dalka iyo dadka Somaliland gaar ahaan iyo gobolka ay ku taallo Somaliland guud ahaanba.

Weftigii wasiirada iyo maareeyaha dekeda ka kobnaa ee ka horeeyey madaxweynaha, kuna sugnaa Dubai ayaa iyagu dalka ku soo laaban doona maalinta berrito ah, iyagoo faah-faahina ka bixindoona  nuxurka heshiiskaasi iyo midhaha ka dhashay hawlgalkaa xukuumada ee ku aaddan xidhiidhka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland. 

 ALLAA MAHAD LEH Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) , Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM