Wasiir Sacad oo shaaciyey xog dheeri ah oo ku saabsan Saldhiga Berbera

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa ka dhawaajiyay in Saldhiga ay Imaaraadku ka siiyeen magaalada Berbera aanu maamulkaan gooni isu taaga ah ku helayn bil kasta wax kiro ah.

Taasi bedalkeeda, Mr Shire ayaa daboolka ka qaaday in ay ku bedasheen dhismaha garoon diyaaradeed oo aanu shaacin halka laga hirgelinayo iyo dhismaha hal waddo oo isku xirta Wajaale iyo Berbera.

"Saldhiga kuma helayno wax kiro ah, laakiin dekada ayaanu kaga qaadaneynaa DP World kiro sanad kasta ah," ayuu wasiir Sacad hadalkiisa ku daray, isaga oo ka hadlayey munaasabad ka qabsoontay Hargeysa.

Sacad oo markii qalinka lagu jiidayey heshiiskaasi ahaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa shaaciyay in cadadka lacagta ay shirkada Imaaraadka laga leeyahay ka qaadanayaa sanad walba ay gaareyso Shan milyan oo Dollar.

"Sanadkaan kama qaadaneyno, sababta oo ah waanu ka horumarsanay," ayuu wasiirku daba dhigay, markaasi oo goobtii uu ka hadlayay uu buuq qabsaday, inkasta oo jawiga uu si caadi ah kusoo laabtay.

Imaaraadka ayaa saldhiga Berbera waxaa la sheegay in ujeedka uu uga dhisanayo ay tahay sidii uu uga duuli lahaayeen diyaaradihiisa howlgalada ka fulinaya wadanka Yemen, taasi oo ay mas'uuliyiintu beeniyeen.

Xisbiyada mucaaradka ah ee ka jira Somaliland, gaar ahaan Waddani ayaa si adag u dhaliilay hadalka wasiir Sacad, iyaga oo ku tilmaamay dhac ba’an oo loo geystay Somaliland iyo shacabka halkaasi ku nool.

"Jabuuti oo dariskeena ah sanad kasta lacago malaayiin dollar ah ayey ku heshaa sanad kasta saldhigyada, maxaa inoo diidaya inaanu inaga sidaasi sameyno, waa dhac loo geystay Somaliland," ayuu yiri Khadar Xuseen, xoghayaha Waddani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM