Somaliland oo bilowday "howlgal qarsoodi ah" kuna goobeyso aqoonsi

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon], ayaa safar qarsoodi ah ku tegay Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo, 2-dii bishii November, 2019.

Sidda ay warar horudhac ah tibaaxayaan, safarka Faratoon ayaa qaatay muddo saddex maalmood ah, wuxuuna kadib dib ugu soo laabtay magaala madaxda maamulka gooni u goosadka ah ee Hargeysa.

Intii uu ku sugnaa caasimadda DRC ee Kinshasa, Faratoon ayaa wadahadalo la yeeshay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda waddankaas.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in dhinacyadda ay kulankooda diiradda ku saareen "sidii ay u yag-leeli lahaayeen cilaaqaad cusub".

Illaa iyo haatan, ma jiro war rasmi ah oo maamulka Somaliland iyo xukuumadda Kinshasa ay kasoo saareen wada-xaajoodyadaas.

Mr Faratoon, sidda ay xogta muujineyso, waxaa socdaalka qarsoodiga ah ku wehliyey Mustafa Cawil Jaamac, ku xigeenka wakiilka Somaliland u fadhiya Uganda, iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradiisa.

Dhanka kale, isku dayo dhowr ah uu warsidaha Garowe Online ku doonayey in uu wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wax ka waydiiyey booqashadan ayaanan guuleysan.

Maamulka Hargeysa ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay si hoose u wadday dedaalo uu qaar kamid ah dalalka Afrika uga goobayo aqoonsi.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay Taiwan oo sheegata in ay China ka go'dey ay ku dhawaaqdey xiriir ay la sameysaneyso Somaliland, iyo dowladda Gambia ayaa diidey codsi ictiraaf oo maamulka Hargeysa.

Dowladaha Soomaaliya iyo China oo cambaareeyay talaabada maamulka Taiwan ayaa ku adkeystay in ay ka go'an tahay ilaalinta wadajirka iyo madax-banaanida qaranimadooda ayna ogoleyn wax kasta oo wiiqaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM