Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo booqasho ku tagey Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegay in wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax uu ka degay magaaladda Hargeysa.

Warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ayaa shaaciyay warka ku saabsan safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, iyadoo aan jirin illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Muuse Biixi oo ku saabsan booqashadan.

Lama oga waxa ay salka ku hayso booqashada aan horey loo shaacin ee Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea ku tagey caasimadda maamulka Somaliland.

Safarkan ayaa kusoo beegmya xilli Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle maalintii shalay soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood qaadatey uu ku yimid Muqdisho. [Halkan ka akhri warka].

Eritrea ayaa sanadkii tagey ee 2018 heshiis la gashay Itoobiya, waxayna bog cusub u furtay xiriirkii ay la lahayd dalalka Gobolka Geeska Africa, oo Soomaaliya kamid tahay.

Cismaan aya 2018 safar ku tagey Muqdisho, iyadoo uu ka dambeeyay Madaxweyne Afwerki oo booqday Soomaaliya, kadib markii uu heshiis Asmara kula galay Madaxweyne Farmaajo.

Wixii kusoo kordhaa kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM