Wasiiro katirsanaa Xukuumaddii Cabdi Illey oo lagu xiray Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Labo Wasiir oo katirsanaa Xukuumaddii Madaxweynihii is-casilay ee Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya [DDSI], ayaa lagu xiray magaalada Hargeysa, ee maamulka Somaliland.

Wasiiradda lagu qabtay Madaarka caalamiga ah ee Cigaal ayaa kala ah Wasiirkii Waxbarashada, Ibraahim Aadan Mahad [Ibraahim Sacab], iyo Wasiirkii Cadaaladda DDSI, Cabdi Jamaac Axmed Qaloonbi.

Macluumaad uu helay Garowe Online ayaa sheegay in wasiirada ay mudo 14 cisho ah ay si dhuumaaleysi ah ku joogay Hargeysa, waxaana la xiray Talaadadii lasoo dhaafay xilli ay diyaarad kusii jeeday Muqdisho ka raacayeen Cigaal International Airport.

Booliska Somaliland markii ay waydiiyeen sababta ay Muqdisho ugu safrayaan ayaa waxay ku jawaabeen inay arrimo ganacsi la xiriira u socdaan, iyagoo aan wadan warqadaha safarka ee lagu galo Somaliland.

Fahfaahinta laga helayo xariga ayaa intaas ku dareysa in wasiiradda ay ka tirsanaayeen Maamulkii Cabdi Maxamed Cumar [Cabdi Illay], kaasoo Jagadda Madaxwaynaha ee dowlad degaanka iska casilay bishii tagtey kadib cadaadis uga yimid Addis Ababa.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa u sheegay warbaahinta in mas'uuliyiintaan xarigooda ay ka dambeysay markii lagu soo eedeeya inay "qaab sharci daro ah" ay kusoo galeen degaanada Somaliland.

"Qaab dhuumaalaysi ah ayey kusoo galeen dhulka Somaliland. Horeyna digniino ayaan uga bixinay. Sidaas darteedna waa sharci daro imaanshahooda dhulka Somaliland," ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

Lama ogga waxay haatan ku sugan yihiin Wasiiraddaan, inkasta oo warar soo baxaya ay sheegayaan inay ku jiraan mid kamid ah Saldhigyada Magaaladda Hargeysa, wallow aanan si dhab ah loo xaqiijin karo qaabka loo qabtay iyo meesha la geeyay.

Mustafa Maxamed Cumar ayaa loo doortey Madaxwaynaha cusub ee degaanka Soomaalida Itoobiya, waxa uuna xilkaan sii hayn doonan inta laga gaarayo doorashadda guud ee Xisibiga ka arrimiya degaanka, taasoo dhici doona sanadka 2020-ka.

Xariga masuuliyiintaan ayaa kusoo beegmaysa xili mar sii horeysay masuuliyiinta Somaliland ay uga digeen madaxda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya inay usoo talaabaan dhankooda, xili ay haatan muuqato inaanan loo dhag-raaricin baaqyadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM