Weerarkii ugu dambeeyay Qaraxii Buuhoodle [XOG CUSUB]

Image

BUUHOODLE, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Is-miidaamin ahaa, oo uu fuliyay Nin isku soo xiray waxyaabo qarxa kaasoo xalay ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer..

Gudoomiyaha degmadda Buuhoodle, Suleymaan Aadan Cilmi ayaa xaqiijiyay in qaraxaan lagu dilay Cabdifitaax Maxamed Cali, iyo Axmed Maxamuud Dalool, oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha maamulkii la oran jiray Khaatumo State.

Cabdifitaax ayaa horey usoo noqday Madaxii Maaliyadda Ururkii Xisul Islaam, ee uu aas-aasay Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda Soomaaliya iyo Lataliyaha arrimaha siyaasadda ee Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid.

"Nin isku soo rakibay waxyaabo qarxa ayaa joojiyay gaariga, xili ay ka yimaadeen Masjidka. Ma uusan wadan qori, laakiin markii ay joogsadeen ayuu is-qarxiyay, halkaasna waxaa ku dhintay labadii mas'uul ee saarnaa," ayuu yiri Gudoomiyaha Buuhoodle.

Ma cadda cida ka dambeysay falkaan, iyadoo Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata uu daboolka ka qaaday in aysan jirin cid ay ku eedaynayaa inay ka dambeysay illaa ay ka sameeyaan baaritaano, ay natiijadda kasoo baxda dib kasoo sheegi doonan.

"Buuhoodla waa meel la is-bar garanayo. Marka cidda uu yahay ninka falkaan geystay waan soo sheegi doonaa. Qayb kamid ah jirkiisa ayaan haynaa oo aan baareynaa," ayuu hadalkiisa raaciyay Gudoomiyaha oo la hadlay warbaahinta.

Qaraxan ayaa wuxuu noqonaya midkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca magaaladda Buuhoodle.

Cabdi Fitaax Maxamed Cali oo kamid ah xubnaha ku dhintay weerarka ka dhacay Buuhoodle ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu kasoo goostay Al-Shabaab sanadkii 2013-kii, isagoo kadib xilal kala duwan soo qabtey wixii markaasi ka dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM