Xariga Xildhibaan oo sii kala fogeeyay hay’addaha dowliga ee Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Booliska Somaliland ayaa isbuucii hore xabsiga dhigy Xildhibaan Maxamed Axmed [Dhakool] kadib markii ay hoygiisa ku duuleen.

Taliska Bileyska ayaa sababta ay u soo xireen Mr Dhakool ku fasiray kadib uu ku dhaqaaqay "ficilo ka dhan ah qaranka".

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in Mudanaha lagu haysto hadalo uu saxaafada siiyey oo ku aadan dabaaldega 18-ka May.

Mr Dhakool ayaa sheegay in maalintiisa aysan "maalin qaran" balse ay tahay maalintii "Beesha SNM" wuxuuna codsaday in gebi ahaanba daqaada laga saaro.

Maamulka goon isu taagga ah ayaa maalintaasi sanad kasta u dabaaldega markii ay xorriyadda kasoo ceshteen Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Inkasta oo tan iyo xilligaasi aysan helin aqoonsi, horumar walba oo uu gaarey waxaa dharbaaxo ku noqonayay dagaalka ka dhanka ah xorriyada hadalka.

Xeer-illaalinta dacwadaasi kusoo oogtay sharci dejiyaha ayaa maalintii xigtay maxkamad soo taagtay Mr Maxamed, balse waji gabax ayey kala kulantay.

Maxkamadda Hargeysa ayaa sheegtay in aysan qaadi karin dacwadaan maadaama Xildhibaanka uu xasaanad leeyahay.

Dacwd oogeyaasha ayaa codsi ku aadan in ay xasaanada kala noqdaan u diray Guddiga Anshaxa iyo Xasaanada ee Golaha Wakiilada oo uu ka tirsan yahay.

Hasayeeshee, Guddigu gaashaanka ayuu ku daruuray codsigaasi, waxa uu sharci darro ku tilmaamay hanaanka loo maray qabashada Xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed Axmed [Dhakool] oo degaan doorashadiisu yahay gobolka Sool ayaa wali xabsi ugu jiray xukuumada Muuse Biixi.

Dadka u dooda xuquuqd aadanaha ayaa ku tartarsiiyey maamulka Hargeysa in uu ilaaliyo xorriyadda uu qofku u leeyahay in uu cabiro fekerkiisa.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday Hay’ddaha Xuquuqul Insaanka, in ka badan tobban ruux oo u badan wariyeyaal iyo Abwaano ayaa sanadkii hore lagu xiray howlgalada ka dhanka ah xorriyada hadalka.

Muranka ugu dambeeyay ee ka dhashay Xarig Xildhibaan Dhakool ayaa u muuqda mid sii kala fogeeyay hay’addaha Fulinta, Garsoorka iyo Xeer-dejinta oo isku dhinac noqday, taasi oo dharbaaxo ku ah xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM