Xeerka kufsiga oo kala qaybiyay Baarlamaanka Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gollayaasha Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland ayaa ku kala qaybsamay xeer Kufsiga, kaasoo Xilldhibaano ka tirsan xubnaha sharci dejinta ay sheegeen qaarkood inuu yahay mid gabi ahaanba baalmarsan Diinta Islamka, Dastuurka iyo Dhaqanka Soomaalida.

Xeerkaan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Somaliland ayaa waxaa la sheegay inuu meel-mariyay Gollaha Wakiiladda, taasoo Guurtidu gabi ahaanba kasoo horjeestay xili uu xiriirkii wadhaqayneed ujaray.

Kulan uu maanta ku yeeshay Magaaladda Hargeysa Gollaha Guurtida ee Somaliland waxay dood adag ay ka yeesheen talaabadda uu qaaday Wakiiladda, taasoo ay ku sifeeyeen mid baalmarsan sidoo kale Dastuurka udegan Somaliland.

Qodobadda ay tusaale ahaan usoo qaatay Mudanayaasha waxaa qayb ka ah, mid xeerinaya in qofka uu Qaan-gaar ku noqonayo da'da 18-sano, halka markii hore uu ahaa 15-sano, waxaana wax ka bedalay ku sameeyay Gollaha Guurtida oo ugudbiyay Wakiiladda.

Sikastaba, fadhigii ay maanta ka qabsoomay Hargeysa oo uu yeeshay Gollaha Guurtida waxay si cad isugu yaaraaceen xubnaha sharci dejinta Somaliland inay si KMG ah ujoojiyeen xiriirkii wadashaqayn ee kala dhaxeeyay Gollaha Wakiiladda, inta ay xeer-hoosaad ka yeelanayaan.

Talaabadaan uu qaaday Gollaha Guurtida ee Somaliland ayaa waxaa la sheegayaa inay tahay mid hoos udhac ku keeni karta howlaha Gollayaasha, xili dhowaan la filayo inay qabsoonto doorashooyinka Gollayaasha degaanadda Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM