Xildhibaano katirsan Midowga Yurub oo tagay Somaliland

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha Somaliland ee dhawaan la doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa la kulmay wafdi Xildhibaano katirsan Barlamanka Midowga Yurub.

Wafdigan waxaa kamid ah ninka inta badan u dooda gooni isu taaga Somaliland islamarkaana Britain u matalaya Midowga Yurub James Carver iyo Stephen Atkinson.

Booqashadan raggan ayaa la xariirtay sidii ay ugu hambalyayn lahaayeen guushii Muuse Biixi islamarkaana u taageeri lahaayeen dimuqraadiyadda ka jirta deegaanada Somaliland, waxayna tilmaameen inay hambalyo ka sidaan Midowga Yurub iyo dowladda Britain.

Muuse Biixi oo uu weliyay ku-xigeenkiisa Saylici ayaa ka aqbalay Hambalyada, isagoo sheegay in Somaliland ay gaartay heer aan wali si fiican uga hirgalin Africa islamarkaana ay u qalmaan madax-bannaani iyo inay noqdaan waddan xor ah.

Wuxuu sheegay inuu si dhow ula shaqayn doono Xildhibaanada raadinaya Ictiraafka Somaliland isagoo uga mahadceliyay qorshaha ay ku raadinayaa in maamulkan loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Mas'uuliyiintan waxaa sidoo kale la kulmeen xubno kamid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo sheegay inaysan mucaaradnimo iyo kala qaybsanaan jirin marka laga hadlayo qadiyadda Somaliland.

Xubnahan oo ka hadlayay sida ay u arkaan booqashadooda Somaliland ayaa tilmaamay, in maamulkan u qalmo inuu noqdo dal madax bannaan, waxayna si cad u shaaciyeen inay taageeri doonaan qorshe kasta oo ay madax bannaani ku helayaan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa isna sheegay in socdaalkan mas'uuliyiintan ka marag kacayso hormarka iyo nidaamka dowliga ah ee ka hirgalay Somaliland, taasina ay tahay mid ay ku faanayaan oo ay ku faraxsanyihiin.

Somaliland oo sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale ayaa dedaal ugu jirta tan iyo 1991 sidii ay ku heli lahayd Aqoonsi, waloow beesha Caalamku wali u aragto dal kamid ah Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore waxaa bur-buray wada-hadal labada dhinac Somaliland iyo Soomaaliya uga hadlayeen arrintan, inkastoo Muuse Biixi hadda laga sugayo fulinta ballanqaadkii uu galay oo ah inuu Soomaaliya la xaajoodo iyo inuu raadiyo Madax-bannaanida Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM