Xilldhibaanada Somaliland oo baaq culus u jeediyay Shacabka Garowe

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay tiro madaafiic ah oo la sheegay in ciidamo ka tirsan Puntland ay ku tuureen Aaga rayidka ka caagan ee Tukaraq, oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Hoobiyayaasha oo aanan la hubin haddii ay khasaaro geysateen ayey Xildhibaanadu sheegeen inay ka bixin doonaan jawaab deg deg ah, iyagoo ku goodiyey inay duulaan lagu qaadi doono xarunta Puntland ee Garoowe.

Sharci-dejiyaasha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda goboleedka Nugaal inay isaga barakacaan magaalada iyo daafaheeda, iyagoo sheegay in Somaliland ciidamadeeda dagaal diyaar u yihiin marwalka.

"Xitaa hadii aan dhinaceena [degaanada Somaliland] timaadaan waxba idin yeeli mayno. Kaliya ciidanka iyo inaga nooga dhex-baxa," ayuu yiri mid kamid ah Xilldhibaanada maanta hadlay.

Mudanayaasha oo soo hadal-qaadey socdaal uu dhowaan Madaxwaynaha waqtigu kasii dhamaanayo ee Puntland, Cabdiwali Gaas ku tegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayay ku tilmaameen mid " daan-daansi dagaal ah, oo uu ku qaldanaa".

"Sababta aanan talaabo u qaadin waxay ahayd inaan caalamka tusno inuu Gaas qaldan yahay. Shacabka Garowe waxaan u sheegaynaa inay ka guuraan magaalada waanu soo soconaa," ayuu yiri Xilldhibaan kale.

Labadaan maamul oo ay ka dhaxeysa colaad taariikhi ah oo muddo soo jirtay ayaa kasii dartay mudadii uu xafiiska joogay Gaas, oo Puntland geliyay dagaalo badan, oo uu uga tagayo hadda xafiska, maadaama waqtiga ka idlaaday.

Tuulada Tukaraq oo hoos-timaada gobolka Sool ayey ciidamada Somaliland dagaal ku qabsadeen bishii January ee sanadkaan, xilli uu Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku joogay Garoowe.

Tan iyo xiligaasi xaalada degaankaan oo ay ka barakaceen dadkii waxay ahayd mid kac-san, waxaana tiro dhowr jeer ah laga soo wariyey inay dhinacyadda isku dhaaf-sadeen Madaafiicyo dhimasho keenay.

Beesha caalamka ayaa sameysay degaallo lagu qaboojinayo xiisadda Tukaraq, balse aan lagu guuleysan in la kala qaado ciidamada is-horfadhiga, oo xilli kasta diyaar u ah dagaal inay isaga hor-yimaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM