Xisbiyada Somaliland oo ku kala aragti duwan wadahadalka DF Somalia

Image

HARGEYSA, Somaliland - Hogaamiyaasha Xisbiyada degaanada Somaliland ayaa mowqifyo kala duwan waxay ka qaateen wadahadalka dowlada Federaalka ee Soomaaliya oo uu maamulka Hargeysa sheegto inuu ka go'ay tan iyo 1991-dii.

Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa wuxuu ku adkeysanaya inaanu marnaba wadaxaajood la geli doonin xukuumada Muqdisho oo uu ku eedeeyay inay isku dayeysay majaxaabinta maamulkaan.

UCID, xisbiga mucaaradka ah, oo uu hogaamiyo Faysal Cali Waraabe, ayaa nan lahayn go’aan cad-cad oo laysku halayn karo, waxaana mar kasta uu qaataan mowqif ku haboon hadba sida ay cimiladu tahay.

Balse, xisbiga ugu wayn mucaaradka, WADDANI, ayaa mowqif adag iska taagan qaddiyadaan, waxaana ay sheegeen inay soo dhawaynayaa inay la hadlaan DF Soomaaliya, islamarkaana ay muhiim u tahay iyaga.

"28-sano ayaan lahayn lama hadlayno…maxaad inoo haysanaa oo aan ahayn Jabhadayn iyo cuqdad hore..caliga Saliimka ah wuxuu sheegayaan aynu wadahadalno…caalamka oo aan na aqoon-saneen maanta hadii uu na yiraahdo waan idin imaanayaan caleemo qoyan baa halkaasi lasoo istaagi lahayn…maxaa inoo diidan in cidii aan wax nooga xirnaayeen aynu wadahadalno…soona bandhigano garteena,” ayuu yiri Xoghayaha WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi.

Madaxda dowladda Federaalka ah ama qof kasta oo la shaqeeya xukuumada aad loogama jecla degaanada Somaliland, waxaana dhacda in xabsi la dhigo marka ay halkaasi gaaraan, balse, WADDANI fekerkaasi ma qabo.

"Hadduu madaxweynaha Soomaaliya [Farmaajo] uu maanta Hargeysa imaanayo oo arrinteena aan kala hadlayno anigu ceeb ku jirta ma arko," ayuu hadalkiisa daba dhigay Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi.

Kalaa aragti-duwanaanshiyahaan ayaa kamid ah qodobada ay isku mari-waayeen shirkii ugu dambeeyay oo ay yeesheen xisbiyada, kaasi oo ay ku kala kaceyn iyaga oo aan heshiis la gaarey arrimo ay kamid tahay doorashada Sharcidejinta iyo degaanada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM