XOG: Sidee maamulka Somaliland ku qabsadey Tuulada Tukaraq?

Image

GAROWE- Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey sababta ciidmada Somaliland ugu soo duuleen Tuulada Tukaraq oo aheyd halka ciidamada Puntland kaga jireen difaaca gobolka Sool.

Weerarkan ayaa ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen GO inuu horgale u ahaa taliyaha ciidmada Somaliland ee gobolka Sool Mahad Canbaashe oo kasoo jeeda mid kamid ah beelaha Dhulbahante ee daga magalaada Laascanood.

Xogtaan ayaa xuseysa in Somaliland iska caabin la’aan Tuuladaan ka qabsadeen ciidmada Puntland iyadoo Canbaashe uu haystey tageerada siyaasiyinta beelaha Dhulbahante ee ku jira maamulka Hargeysa. 

Duulaankan ayaa markiisa hore ku bilowdey xurguf dhexmartey dhinacyada beelaha Dhulbahante ee labada maamul kadib markii ay Handadaad ku sameeyeen Garadka beesha Jaamac Siyaad ‘Dhulbahante’ ciidamo ka tirsan Puntland oo u badnaa Ugaaryahan ‘Dhulbahante’ Garaadka ayaa markaas ku wajahnaa Caleema-saarkii Ugaaska beesha Xasan Ugaas ‘Dhulbahante’ oo ka dhacdey Tuulada Buuro-wadal.

Talaabadan ciidan kadib ayaa sida aan ku heleyno xogtaan waxaa si deg deg ah Baarlamaanka u horgeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamad Farax oo kasoo jeeda beesha Bah-hararsame ‘Dhulbahante’ kuwasoo ansaxiyey inuu sax ahaa duulaankii lagu qabsadey Tukaraq waxayna ku tilmaameen talaabo wanaagsan oo lagu hantiyey 65KM oo dheraad ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa ayaa taageeray tallaabada ciidmada iyagoo cabsi ka muujiyey iney ka leexdaan go’aankii Baarlamaanka ku taageerey weerarkaan.

Dhinaca kale, weerarkan iyo tageerada Baarlamaanka Somaliland ayaa ku soo beegantey xilli xukuumada cusub ee Madaxweyne Biixi ogolaansho ka raadineyso aqalka golaha shacabka ee maamulkaas.

Warsidaha GO ayaa sidoo kale ogaadey in hay’adaha dowlada Somaliland go’aansadeen in aan dib looga noqon qabsashada Tukaraq taasoo kor u qaadeysa khatarta dagaal ka dhex qarxa labada maamul.

Biixi ayaa sidoo kale diidey codsi ergeyga Qaramada Midoobey Michael Keating u soo jeediyey inuu kaga baxo Tukaraq isagoo sheegey in Baarlamaanka go’aankaan sharci ka dhigey uuna jabin karin.

“Ciidamada Somaliland ee aaga Sool iyo siyasiyiinta beelaha Dhulbahante ee ku sugan magalada Hargeysa ayaa waxaa dhiirigaliyey hanjabaado Madaxweynaha cusub jeediyey markii uu musharax ahaa kuwasoo ku sheegey inuu Garoowe qabsan doono,” Sidaas waxaa GO u sheegey mid kamid ah siyaasiyiinta ku sugan Hargeysa. 

Sidoo kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya inuusan fiicneyn xiriirka u dhexeeya Madaxweyne Biixi iyo Taliyaha Sool ee ciidamada Somaliland Mahad Canbaashe kasoo la xiriira warar soo baxay oo sheegaya in xilka laga qaadayo.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Somaliland oo yimid maalmahaan Tukaraq ayaa wararka aan heleyno waxay xusayaan In Ina Canbaashe uu ka diidey in ciidmada difaaca kaga jira Tukaraq la isku dhafo iyadoo xogo aan la xaqiijin tibaaxayaan inuu dib ula guurey ciidmada uu Taliyaha u ahaa.

Saraakiishaan ayaa sidoo kale waydiisay Mahad Canbaashe sababta markii hore uu weerarkaan u soo qaadey.

Xalinta khilaafka Ina Canbaashe iyo taliyayaasha kale ee ciidmada Somaliland ayaa wararku sheegayaan in Gudoomiyaha Barlamnaka Somaliland iyo Wasiirka Waxbarahashada maamulka Hargeysa ku soo fool leeyihiin Jiida Hore. 

Ciidamada Somaliland kuwooda ka tirsan beelaha kale aan dagin gobolka Sool ayaa cabsi xoogan ka qaba degaanka dagaalka lagaga jiro in uusan caawini karin iyadoo uu ka fog yahay gurmadka hadii dagaalku isu badalo mid qabiil. 

Maamulka Puntland ayaa waxaa uu diyaar garow adag ugu jiraa sidii dib ugu qabsan lahaa Tuulada Tukaraq oo aheyd difaaca ugu dambeeya gobolka Sool islamarkaana aheyd goob lagu was qaado cashuuraha.

Kala qaybsanaanta siyasadeed ee beelaha daga Sool, Cayn iyo Sanaag ayaa ah mid dhabar jab ku ah shacabka dega goboladaas iyadoo degaanadaas ka dhigtey dhul qarka u saaran mar walba in dagaalo ka qarxaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM