XOG:Tirada Codadka Doorashada Somaliland Iyo Sida Gobolada Loo Kala Heley

Image

HARGEYSA - Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in guddiga doorashada tirada codadkii ay dhameytireen 80% iyadoo uu jiro sawir laga qaadan karo musharaxa ilaa hadda ku horeeya codadka guud ee uu heli karo.

Warsidaha Garowe online oo la hadlay xubno aan ka fogeyn guddiga doorashada kuwasoo diidey in magacooda aan xusno ayaa noo sheegey shaxdaan hordhaca ah sida xisbiyada gobolada ugu kala horeeyaan: 

Saaxil= Kulmiye 30348, Wadani 15639

Sanaag=Kulmiye 17077, Wadani 19863

Sool = Kulmiye 19654, Wadani 14633

Togdheer=56756 Kulmiye, 56554 Wadani

Awdal= 35002 Kulmiye, 38079 Wadani

Maroodi jeex= 125330 Kulmiye, 61039 wadani

Xogtaan ayaa wax iska badali karaan balse tirintaan ayaa ka tarjumeysa saadaasha ah in musharaxa xisbiga Kulmiye ku adkaadey doorashada Somaliland 78360 cod.

Guddiga doorashada Somaliland oo goor sii horeysay sheegey in natiijada kama dameysta ah lagu dhawaaqi doono maalinta Khamiista iyadoo inta ka horeysa hubinaya cabashooyinka xisbiyada soo gudbinayaan.

Goob joogayaal ka socda wadamada Shisheeye iyo hay'adaha maxali ah ayaa shir jaraa'id ay hargeysa ku qabteen kun sheegey in doorashada Somaliland guud ahaan si wanaagsan u dhacdey ay nabadi ku jirto iyadoo ay jiraan shilal kooban iyo cabashooyin sheegaya in goobaha qaarkoo dad aan qaan gaar aheyn ka codeeyeen balse aysan jirin sharci jabin baahsan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM