Xoolo laga dhoofiyay Somaliland oo ku xanibban Sacuudiga

Image

HARGEYSA, Somaliland – Mas'uuliyiinta Somaliland oo Sabtida maanta ah shaaciyey in xoolo laga raray dekadda Berbera ay ku xanibban yihiin marsadda Jeddah ee dalka Sacuudiga, ayaa talaabadaasi cambaareeyay.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha maamulka gooni isu taaga ah oo wariyeyaasha ugu waramay magaalada Hargeysa ayaa falkaasi ku eedeeyay xukuumada federaalka ah oo uu tilmaamay in ay "maskax badan gelisay".

Xasan Gaafaadhi oo ay hareer fadhiyeen mas’uuliyiin kale oo wasaaradiisa ka tirsan ayaa si gaar ah ayaa farta ugu fiiyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo uu xusay in uu Sacuudiga ugu safray qadiyadan.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu afka ku balaariyey in arrintan ay sii murjineyso wada hadaladii dhex-mari lahaa dowlada federaalka iyo maamulkaasi oo tan iyo sanadkii hore 2014-kii hakad ku jira.

Sidda laga soo xigtay Gafaadhi, sababta keentay in loo diido in xoolaha laga dejiyo markabka, si suuqa loo geliyo, ayaa ah markii la ogaadey in aysan haysan Shahaadada Caafimaadka ee dowladda Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa horey ugu sheegay mas'uuliyiinta Somaliland in ay ruqsad kasoo qaatan xukuumada Muqdisho si xoolahooda loogu iibiyo suuqyada Boqortooyada oo kamid ah kuwa ugu muhiimsan xoolaha Soomaaliya.

"Way ogyihiin in aanan tagi karin Muqdisho. [Shacabkeena] waxaan u sheegeynaa in meel aan ahayn Somaliland kama qaadan doonan shahaadada," ayuu yiri Wasiir Gafaadhi oo u muuqda mid mayal-adeegaya.

Dhanka kale, xukuumada federaalka ee Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeynta culus ee uga timid xukuumada Muuse Biixi.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo sanadkii 1991-dii balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga dowlada federaalka oo adkeystay in midnimada Soomaaliya ay muqaddas tahay.

Tan iyo sheegashadaasi dhoofinta xoolaha, maamulka hawada iyo arrimo kale ayaa kamid ahaa qodobada ay Somaliland muranka ka keento ayna eedeymo taxano ah ugu jeediso Muqdisho.

Sikastaba ha ahaatee, arrintan soo shaac baxdey ayaa kusoo beegmeysa iyada oo dhowaan dowlada federaalka ay xiriirka ugu jartay Guinea in uu si heer sare ah u qaabilay Muuse Biixi ayna u digtay dowlada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM