Xukuumadda Somaliland oo taageertay duulaankii Tukaraq

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay duulaankii 8-dii bishan ay ciidamda maamulkaasi ku qaadeen deegaanka Tukaraq, ee gobolka Sool oo horey u joogeen ciidanka Puntland.

Shirka 3aad ee Gollaha Wasiiradda Cusub ee Somaliland ayaa laga soo saarey qodobo looga hadlay Xaaladda kasoo xusboonaatey gobolka Sool, iyadoo sidoo kale lagu taageeray qabsashada Tukaraq.

Kulanka waxaa shir-gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Gollaha Wasiiradda ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in tallaabadii lagu weeraray Tukaraq ay ahayd mid sax ah, oo ciidanka maamulkaasi ku difaacayaan xadka Somaliland ay la leedahay Puntland.

Waxay dhanka kale ku wargeliyeen dalalka deriska ah iyo Beesha caalamka in Somaliland ay ka go'an tahay deris kuwada noolaanshaha iyo ilaalinta xasiloonida gobolka.

Gollaha Wasiirada waxay bogaadiyeen sidoo kale go'aankii Labada Golle ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland ee ku aadan xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq.

Hadalka Xukuumadda ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda ka taagan Sool ay cirka isku sii shareerayso, lagana cabsi qabo in Ciidamada Difaaca Puntland iyo Somaliland ay foodda isku daraan Tukaraq.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Farole ayaa ku baaqey Arbacadii in waan-waan iyo wadahadal lagu dhameeyo colaadda.

Farole ayaa ka digay adeegsiga hadallada xanafta leh ee kicinaya xiisadda, isagoo cambaareeyay weerarka maamulka Somaliland ku soo qaadeen Tukaraq isagoo sheegey in talaabadaas colaad ka abuureyso degaano dagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM