Soomaali ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay waqoyga Norway

Image

OSLO, Norway – Ugu yaraan laba Soomaali ah ayaa ku geeriyootay, mid kalena waa ay dhaawacantay ka gedaal markii shil gaari ay ku galeen magaalo ku taala waqoyga waddanka Norway ee qaaradda Yurub.

Axmed Sheekh Cismaan iyo Sacdiyo Xuseen, 19-jir, ayaa lagu wadaa in la aas-aaso saacadaha soo aadan, halka hooyo Faadumo Cali Sheekh [Faay Cali] ay ku jirto Isbitaal lagula tacaalayo xaaladeeda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada marxuumiinta ayaa waxay daboolka ka qaadeen in ay murugada la qeybsanayaa qoyska ay asiibtay musiibadan.

Cismaan oo kamid ahaa Soomaalida ugu firfircoon halkaasi ayaa Faay Caali barayey qaabka loo kaxeeyo gaariga, halka Sacdiyo la sheegay in ay saarneyd qeybta dambe ee baabuurka.

Sababta keentay shilkooda oo uusan wali warbixin kasoo saarin booliska balse ay si kooban u shaaciyeen in ay baaritaano ku wadaan ayaa waxaa lagu tilmaamay markii ay ku dhaceen webbi.

Sacdiyo ayaa waxaa lagu waramayaa in ay ahayd gabadh ay dhashay Hooyo Faay Cali, taasi oo haatan dedaal loogu jiro sidii loo badbaadin lahaa nolosheeda.

Safaaradda Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida muwaadiniintan.

Soomaalida oo kamid ah dadyowga qaxootiga ah ee sida weyn loogu soo dhaweeyay Norway ayaa mararka qaarkood waxay ku lug-yeeshaan fal-dambiyeedyo iyo dhacdooyin noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM