Laba toogasho oo ka dhacday Mareykanka oo lagu laayay 30 ruux
WASHINGTON, US – Ku dhowaad 10 ruux ayaa dhimatay kadib toogasho ka dhacday magaaladda Dayton, gobolka Ohio dalka Mareykanka, sidda uu sheegay booliska.
Ciidamada ayaa tilmaamay in ruux la tuhunsan yahay uu dhintay lix iyo tobban kalena ay ku dhaawacmeen dhacdadan.
Isbitaalka guud ee magaaladda oo bukaanada la dhigay ayaa wuxuu ka gaabsaday in uu sharaxaad ka bixiyo xaaladda dhaawacyadda.
Toogashadda ayaa ka dhacday goob maqaaxi ah oo ku taala halkaasi, iyaddo baaritaan lagu waddo waxay salka ku hayso dhacdadan.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadda oo toogasho laga soo wariyay magaaladda El Paso ee gobolka Taxes lagu dilay 20 ruux, laguna dhaawacay 30 kale.
Lama ogga illaa iyo haatan hadii labadan dhacdo ay wax xiriir ah leeyihiin ama in ay salka ku hayaan argagixisinimo. Wadarta guud ee labada dhacda lagu dilay waa 30.
Sikastaba, bilooyinkii lasoo dhaafay gobolada kala duwan ee Mareykanka waxaa kusoo badanayey toogashooyinka aysan waxba kasoo bixin baaritaankooda.
GAROWE ONLINE