Trump oo sababeeyay baajinta kulanka hogaamiyeyaasha Taliban

Image

WASHINGTON, US - Madaxweynaha Mareykanka ayaa joojiyay wada hadalada nabadeed uu la lahaa hogaamiyaha Talibanta Afghanistan markii ururkaasi ay sheegteen weerar ku dhinteen 12 qof oo uu ku jiro askari Maraykan ah.

Donald Trump oo go’aankan ku shaaciyay Twitter-ka ayaa xusay in uu ka baxay wada xaajoodka oo ka dhici lahaa qasriga ay ku nastaan madaxweynayaasha ee Camp David oo ku yaala gobalka Maryland.

Mr Trump ayaa sidoo kale tibaaxay in uu qorsheynayay in uu la kulmo madaxweyanaha dalka Afghanistan. Ma cadda in wada hadalada Taliban iyo Mareykanka ay si toos ah u joogsadeen ama ay dib u bilaaban donaan.

Sababta uu u baajiyey kulanka ayaa waxa uu ku sheegay khasaaraha badan ee ka dhashay weeraraddaasi oo ka kala dhacay magaalooyin kala duwan.

Madaxweyne Trump ayaa cadaadis kala kulmay dowlada Kabul, siyaasiin iyo xubno kamid ah maamulkiisa kuwaas oo aan aminsaneen Taliban, iyagoo ku doodey in aan la joogin waqtigii ciidamada Mareykanka laga soo daabuli lahaa dalkaas.

Kadib go’aanka Trump, waxaa uu xafiiska madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani sheegay in ay macquul tahay in nabad lagu soo dabaalo hadii Taliban ay joojiyaan weerarada ay qaadayaan iyo in ay wada hadalo toos la galaan dowlada dalkaas.

War-saxaafadeedka oo loo diray warbaahinta ayaa wuxuu intaasi ku darayaa: "Nabad toos ah ma imaan karto hadii Taliban aysan ogalaanin in ay xabad-joojiyaan".

Taliban ayaa maamusha dhul balaaran oo aysan haysan tan iyo 2001, ayagoo todobaadkii tagay weeraro ku qaaday Kunduz iyo Pul-e Khumri; si lamid ah laba weerar oo ismiidaamin ah oo ay Kabul ka geysteen.

Heshiiska Nabadda

Wakiilo ka socda Taliban iyo Mareykanka ayaa isbuucii hore qalinka ku duugey heshiis horseedi kara in ciidanka Mareykanka ay iskaga baxaan Afghanistan, balse mowjado wareero ah oo ay Taliban qaadey waxay mugdi gelisay in lagaaro heshiis dhameytiran.

Heshiiskan ayaa xeerinaya in kumanaan ciidamo Amerikan isaga baxaan Afghanistan bilaha soo socda taas oo badalkeeda lagu doonayo in la damaanad qaado in dalkaas uusan noqon saldhig looga soo duulo Mareykanka iyo xulafadiisa.

Heshiis dhameystiran oo lagaaro waxay soo af-jaraysaa colaada socotay mudo ka badan 18-sano, taas ku imaan karta wada hadalo dhex mara Taliban iyo dowlada Afghanistan.

Taliban ayaa diiday baaqyo xabad joojin ah, iyagoo taa badalkeeda xoojiyay weerarada ay ka geysanayan qaybo kamid ah wadankaas.

Sababta ay u kordhiyeen weerada dhimashada badan oo ay ka mid ahaayeen kuwii ay ku qaadeen caasimadaha gobaladda Kunduz iyo Baghlan isbuucii hore, ayey ku qeexdey "mid laga maarmaan u ah xoojinta kaalintooda ku aadan wadahadalada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM