Weerar galaaftey nolosha dad badan oo ka dhacay Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ku dhowaad tobban ruux ayaa ku dhimatay, tirro kale way ku dhaawacmeen ka gedaal markii weerar uu ka dhacay koonfurta wadanka ee badda lahayn ee Itoobiya.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in duulaanka oo ay fuliyeen rag ku watay Faasas iyo Qoryo uu ka dhacay aaga Metekel oo ka tirsan Is-maamul goboleedka Benishangul-Gumuz.

Xafiiska Nabadda iyo Ammaanka ee gobolkaasi ayaa xaqiijiyey in in ka badan toban ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, isla markaana la dhigay goobaha caafimaadka oo lagu daaweynayo.

Abera Bayeta, madaxa xafiiskaasi, ayaa tilmaamay in weerarka oo si gaar ah looga soo wariyey degmadda Mandura Woreda, lagu beegsaday maamulaha halkaasi, wallow uusan kala caddeyn xaaladiisa.

Mr Bayeta oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa waxa uu shaaca ka qaadey in gulufka oo ay wali taagan tahay xiisadiisa ay ka dhalatay "waxyeelo soo gaarey hanti".

Isaga oo aan kala caddeyn waxay yihiin dadka dhintey iyo bukaanada ayuu ku nuux-nuux sadey in lasoo xiray shaqsiyaad lala xiriirinayo falkaasi oo soo bilowday tan iyo Axadii, ayna soo gaartey xasaradiisa Isniintii.

Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, ayna wada degaan qowmiyado kala duwan, ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay ka taagnaa isku dhacyo u dhaxeeya dhinacyadaasi.

Inkasta oo siyaasadda arrimaha dibadda si gaar ah tan gobolka uu guulo kasoo hooyey, haddana ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo xafiiska yimid sanad kahor waxaa lagu dhaliilaa in uu gudaha waxba ka qaban.

Isku dhacan ayaa imaanaya xili bishii hore gobolka Amxaarada laga soo wariyey inqilaab fashilmay balse galaaftey nolosha mas'uuliyiin sare iyo Jenaraalo ka tirsan ciidamada difaaca dalka Itoobiya.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM