Amiirka Qadar oo la kulmay Khayre, balan-qaadna u sameeyay DF

Image
Image

DOHA - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Doha ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiirka dalka Qadar, Tamim bin Hamad Al Than ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amiirka Qadar uga mahadceliyay soo dhawayntii ballaarnayd iyo marti soorka Doha loogu sameeyay wadfiga uu hoggaanayo.

Amiirka dalka Qadar, Tamim bin Hamad Al Than, ayaa ballan qaaday in ay sii wadayaan xoojinta xariirka laba dal iyo taageeradooda shacaka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalmihii uu dalkaasi joogay la kulmay dhiggiisa dalkaasi, waxa uuna maanta ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Doha.

Dalalka Khaliijka ayaa ku loolamaya Soomaaliya xilli uu khilaaf u dhaxeeyo, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya lagu eedeeyay inay u jan-jeertay dhanka Qadar, maadaama ay kamid yihiin shaqsiyaad xiriir dhaw la leh Xukuumadda Doha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM