D. Federaalka oo cambaareysey xiritaanka SNTV

Image

Jamhuuriyadda Soomaaliya 
Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska

Mogadishu, 19 May 2015 – Mudane Cabdirisaaq Cali Yusuf (Bahlawi), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii Puntland ay ku joojiyeen in SNTV ay ka howlgasho deegaanada Puntland. Agaasimaha Guud ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxay aad uga xuntahay go’aanka Maamulka Puntland uu ku joojiyey in Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) uu ka howlgalo degaanada Puntland.”

Bahlawi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxey ugu baaqeysaa Puntland inay si shuruud la’aan ah u oggolaato in SNTV uu ka howlgasho degaanada Puntland. SNTV waa TV-ga qaranka Soomaaliyeed oo Puntland lagama xigo oo waa TV-goodii waana TV-gii Soomaaliyeed oo nooga wada baahan inaan u fududeyno howlahooda isla markaasna ku dhiiri gelino inay shacabka Soomaaliyeed ka haqabtiraan baahida warbaahinta dalka.”

Agaasimaha Guud ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland waxaan ka codsaneynaa haddii ay jirto cabasho inay si toos ah noogu soo gudbiyaan si loo xaliyo. Dastuurka dalka ayaa si toos ah u qeexaya xoriyadda saxaafadda, sidaas daraadeed dhammaan maamulada dalka ka jira iyo Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah inay ilaaliyaan xoriyadda saxaafadda. Joojinta SNTV inay ka howlgasho deegaanada Puntland waxey keeneysaa in bulshada ku dhaqan Puntland laga horistaago inay horumarka ka jira Puntland laga soo tabiyo SNTV, tanoo aan wax faa’iido ah ugu jirin Dowladda Puntland iyo shacabka deegaannadaas.”

DHAMAAD 
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM