Deni oo kulan la yeeshay bulshada Xarfo ee gobolka Mudug

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu halkaas kulan muhiim ah caawa kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabada oo ay kasoo qayb galeen maamulka gobolka Mudug kan Degmada Xarfo qaarkamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, iyo saraakiil ka tirsan Madxatooyada.

Madaxweyne Deni oo bulshada magaalada la hadlay ayaa ku booriyey horumarka isku-tashiga ah ee ay ugu midaysan yihiin inay ku horumariyaan degmadooda, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu diyaar u tahay inay kala qayb qaadato dedaalka ay ku foogan yihiin maamulka Xarfo iyo shacabka magaaladaasi.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Shacabka Xarfo la hadlayey ayaa sheegay in Xukuumaddiiso wax qabadyadii ugu horeeyey ee ay qabato ay ahayd dhisidda iyo deegamaynta ay Dowladdu ku bilowday xereda Tababarka ciidanka Puntland ee Abqaale, isla’markaana Madaxweynaha ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta qalbiga furan ee ay kala kulmeen isaga iyo waftigiisa bulsho weynta Xarfo.

Puntland State House

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM