Deni: Shaqaalaha PL waxay ka qayb qaateen soo nooleynta dowladnimda

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa hambalyo ku aadan maalinta fasaxa shaqaalaha Adduunka May, 01, 2019 u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha Puntland.

"Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Puntland oo maanta ay u tahay maalin fasax oo ay kala siman yihiin shaqaalaha adduunka. Shaqaaluhu waa laf-dhabarta ummad walba oo adduunkan horumar ka samaysay, shaqaalaha Soomaliyeed waxay u dhabar adaygeen oo dalkooda ugu shaqeeyeen, kana samata bixiyeen duruufo adag oo uu baday burburkii dhan-walba dalkeena ka curyaamiyey ".

Sidda ku cad bayaan kasoo baxay madaxtooyadda Garowe, Deni ayaa bogaadiyay doorka ay howlwadeenada dowlada Puntland ka ciyaareen soo nooleynta dowlad Soomaaliyeed.

"Shaqaalaha Puntland waxay qayb ka ahaayeen dedaalkii aan kala harka lahayn ee Puntland dib ugu soo noolaysay dowladda Soomaaliyeed. Hambalyo dhamman shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha reer Puntland" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Munaasabado waawayn oo loogu dabaaldegayo maalintaan caalamiga ah ayaa ka kala dhacay magaalooyinka kala duwan ee dalka, iyada oo ay ka qaybgalayaan madax 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM